Wararkii ugu dambeeyey is-mari waaga ka taagan shirka Dhuusamareeb 4

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee shirka Dhuusamareeb naga soo gaaray ayaa sheegaya in weli shirka uu ka maqan yahay Axmed Madoobe, ayada oo saacaddu ay is-bedeshay lana galay Sabti, sababtuna ay tahay xiisadda u dhaxeysa isaga iyo madaxweyne Farmaajo ee salka ku haysa gobolka Gedo.

Axmed Madoobe oo maanta xilli hore go’aansaday inuu shirka isaga tago, islamarkaana isugu yeeeray warbaahinta si uu ugu sheego inuu shirka fashilmay, ayaa waxaa cadaadis saartay beesha caalamka, kana dhaadhicisay inuu shirkaas jaraa’id baajiyo si xaaladda aysan faraha uga bixin.

Si kastaba, illaa hadda shirka dib uma billaabmin, waxaana madasha shirka ka maqan Axmed Madoobe oo la isku dayayo in lagu qanciyo inuu kusoo laabto.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland oo isla socda ayaa goordhow ku soo biiray shirka, waxaana shirka horay u fadhiyay Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynayaasha HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Duqa Muqdisho.

Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in Saciid Deni iyo Axmed Qoor Qoor ay u kala dab qaadayaan madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe, waxaana Qoor Qoor iyo Saciid Deni kulan saacado badan qaatay la soo qaateen Madaxweynaha Jubbaland, iyaga oo haddana la kulansan xubnaha kale ee shirka, gaar ahaan madaxweynee Farmaajo.

Illaa hadda ma muuqato in dhinacna uu tanaasul sameynayo, marka ay noqoto Axmed Madoobe iyo madaxweyne Farmaajo.

Farmaajo iyo Axmed Madoobe ayaan wax kulan ah yeelanin 24-tii saac ee ugu danbeysay, tan iyo markii madaxweyne Farmaajo uu diiday laba qodob oo lasoo jeediyey in lagu xaliyo arrinta gobolka Gedo, oo aheyd in guddiga doorashada Jubaland ay qabtaan doorashada Garbahaarey, iyo in halkaas la geeyo ciidanka Amisom si ay amnigooda u sugaan. 

Qodobka ugu darran ee la isku hayo ayaa ah in madaxweyne Farmaajo ka tanaasuli waayey inuu ogolaado in Axmed Madoobe maamulo doorashada gobolka Gedo ka dhaceysa gaar ahaan Garbahaarey, sidoo kale ciidamada dowladda halkaas laga soo saaro.

Dhinaca kale, Ilo ku dhow shirka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu berri damacsan yahay inuu Muqdisho dib ugu soo laabto, si uu Baarlamaanka khudbad ugu jeediyo, waxaana jira olole la doonayo in muddo kordhin loogu sameeyo, ololahaas oo ka socda Muqdisho.

Beesha caalamka ayaa isku dayeysa inay ka hor-tagto muddo kordhin waxayna toos ula hadashay guddoomiye Mursal, ugana digtay arrintan, balse ma cadda waxa berri dhacay.