Axmed Madobe oo hakiyey qorshihii uu damacsanaa iyo kulan loo ballansan yahay

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya shirka Dhuusamareeb ayaa sheegaya in beesha caalamka ay ku guuleysatay inay hakiso shir jaraa’id oo uu Axmed Madoobe qaban lahaa, si uu ugu dhowaaqo in shirka lagu kala tegay.

Shirka ayaa maanta lagu kala booday kadib markii uu ka baxay Axmed Madoobe sababo la xiriira in madaxweyne Farmaajo uu tanaasul ka sameyn waayey arrinta gobolka Gedo.

Madaxtooyada Jubaland ayaa galabta qoraal ay soo saartay ku tiri “Madaxweynaha Dowlada Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa goordhow warbaahinta uga warbixin doona marxalada uu shirku marayo iyo sababta illaa hadda xal looga gaari la’yahay arrinta gobolka Gedo taas oo sababtey in heshiis rasmi ah ka soo bixi waayo shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka ee Dhuusamareeb.”

Si kastaba dadaal dheer kadib waxaa Axmed Madoobe laga dhaadhiciyey inuu baajiyo shirkaas jaraa’id, islamarkaana fursad kale siiyo shirka iyo in mar kale caawa la kulmo.

Wararka hadda nasoo gaaraya ayaa sheegaya in madaxda ay mar kale caawa u ballansan yihiin shir kale, si la isugu dayo in la xalliyo caqabadaha ka taagnaa in horay loo socdo, lana isku waafaqo in shirka natiijo ka soo baxdo.

Shirka oo lagu waday inuu bilowdo 7-dii fiidnimo ayaa ku dhowaad labo saac uu dib kaga dhacay, waxaana xarunta Madaxtooyada Galmudug oo hoyga Madaxweyne Farmaajo u deganaa ahaa, shirkuna ka socday illaa hadda soo xaadiray Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynaha HirShabelle iyo duqa Muqdisho, iyadoo la sugayo madaxda kale.

Si kastaba, xaaladda ayaa weli ah mid cabsi leh, waxaana suurta-gal ah in mar kale kulanka caawa lagu kala tago, amaba uusan dhicin, haddii Axmed Madoobe uu haddana mar kale mowqifkiisa beddelo, balse aad ayaa loogu rajo weyn yahay in caawa kulan kale uu dhaco.