Xog: Beesha caalamka oo isku dayeysa inay SHIRKA Dhuusamareeb bad-baadiso

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaray Dhuusamareeb ayaa sheegaya in beesha caalamka ay billowday dadaal deg deg ah oo lagu baajinayo shir jaraa’id oo uu qorsheeyey Axmed Madoobe oo uu kaga hadli rabo in shirka lagu kala booday.

Madaxtooyada Jubaland ayaa qoraal ay soo saartay hal saac ka hor ku tiri “Madaxweynaha Dowlada Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa goordhow warbaahinta uga warbixin doona marxalada uu shirku marayo iyo sababta illaa hadda xal looga gaari la’yahay arrinta gobolka Gedo taas oo sababtey in heshiis rasmi ah ka soo bixi waayo shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka ee Dhuusamareeb.”

Go’aanka Axmed Madoobe uu isugu yeeray warbaahinta ayaa yimid kadib markii shirka lagu lagu kala booday ayada oo qodobka ugu weyn ee la isku mari waayey islamarkaana shirka uu yahay arrinta gobolka Gedo, kadib markii madaxweyne Farmaajo uu ka tanaasuli waayey in maamulka doorashada gobolkaas uu u daayo Axmed Madoobe.

Si kastaba, waxaa hadda socda dadaal xooggan oo ay wadaan madaxweyne goboleedyada kale iyo wakiilada beesha caalamka, si shirka loo bad-baadiyo.

Waxaa jira faham guud oo ah in haddii Axmed Madoobe uu la hadlo warbaahinta ay xaaladda si toos ah faraha uga bixi doonto, islamarkaana aysan jiri doonin hab shirka lagu bad-baadiyo laguna soo kala tegayo, taasi oo laga hortagayo inay dhacdo.

Wixii kusoo kordho kala soco Caasimada Online