25.1 C
Mogadishu
Sunday, October 5, 2025

Daawo: Sheekh Shaakir oo BFS u diray farriin culus oo diinta iyo dastuurka ku saabsan

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online ) – Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo maanta ka hadlay kulan ay isugu imaadeen culimada dariiqada Suufida ee Ahlu-Sunna ayaa farriin diray baarlamaanka federaalka Soomaaliya, isagoo kala hadlay arrimaha dastuurka.

Sheekh Shaakir ayaa nasiib darro ku tilmaamay in baarlamaanku ay ka doodaan dastuurka lagu qoro madhabka Shaafiya, isagoo ugu baaqay in arrintaas aysan muran gelin, maadaama dadka Soomaaliyeed ay heystaan madhabkaas.

“Waa arin khatar ah in baarlamaankii Soomaaliya uu maanta ka doodayo Soomaaliya waa Shaaficiyo miyaan dhahnaa mise ma dhahno,” ayuu yiri Sheekh Shaakir oo maanta la hadlayey boqolaal culumada Ahlusunna ah.

Sidoo kale Sheekh Shaakir ayaa muujiyey inay taageersan yihiin qorshaha madaxweynaha ee dhameytirka dastuurka, isagoo la yaab ku tilmaamay siyaasiyiinta dooda ka qaba dhameystirka dastuurka ee hadana aan xal kale umadda u heyn.

Wuxuu sheegay in dhameystirka dastuurka uu muhiim u yahay dalka, isla markaana laga baxayo ku meel gaarnimo sharci oo muddo badan ay Soomaaliya ku soo jirtay, taas oo sababtay in mashaariic badan ay xayirmaan.

Dhinaca kale Shiiqa ayaa sheegay inay taageersan yihiin sida uu Xasan Sheekh wax ku wado, si gaar ah wuxuu uga mahad celiyey guulaha uu ka gaaray hoggaamintiisa, isagoo xusay cunaqabateyntii hubka, deyn cafintii Soomaaliya iyo dadaalo kale oo dowladda Xasan Sheekh ay ka miro-dhalisay.

Wuxuu soo hadal qaaday dagaalka Khawaarijta, isagoo balanqaaday in culimada Suufida ee hoggaankeeda uu ku jiro ay dowladda ku garab istaagi doonaan dagaalka ay kula jirto kooxahaas ay lasoo daagaalami jireen, iyadoo dalka aysan dowladi ka jirin.

Hoos ka daawo

- Advertisement -

Read more

Local News