Daawo: Sheekh USUULI oo talo cajiib ah usoo jeediyey xildhibaannada la doortay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Usuuli oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa fariin u diray xildhibaanada cusub ee sanadkaan ku guuleystay inay noqdaan baarlamaanka Soomaaliya, isagoo aad uga deyriyey nooca doorasho ee Soomaaliya ka socota.

Shiiqa ayaa u soo jeediyey xildhibaanada inay iska dhaafaan dhaarta beenta ah, isagoo sheegay in caro Alle ay ka dhalaneyso dhaarta beenta ah, taas oo wada saameyn doonta umadda dhan.

“Madaxweynihii, ra’siiul wasaarihii, xildhibaankii ama wasiirkii la dhaariyey ee maslaxada umadda u dhaartay ee hadhow dano gaar ah ka shaqeeyey, ninkaas axdiga Ilaahey ayuu gatay,” ayuu yiri Sheekh Usuuli.

Waxa uu sheegay in waxa dalka ka socda aysan doorasho aheyn oo qayaano cad ay wadaan siyaasiyiinta Soomaaliya, isagoo kula taliyey in hadii dhaca iyo beenta aysan joojineyn ay diinta Ilaahey ku gambashada ka daayaan.

“Allaan idinku dhaarshee waxa dalka ka socda doorasho miyaa? Siyaasiyiintaan la hadlayaa war hadaa wax dhaceysaan diinta meel iska dhiga oo haku gambanina, adigoo wax dhacaya in lagu dhaariyo oo Kirtaabka Ilaahey aad gacanta saarato, waa dhaartaas waxa ay Soomaaliya ku halaagsantay,” ayuu yiri Sheekh Usuuli.

Shiiqa ayaa xildhibaanadii horay loogu dhaarsaday inay codkooda siinayaan qof gaar ah waxuu kula taliyey inay dhaartaas ka baxaan oo ka towbad keenaan codkoodana ugu hiiliyaan dadka iyo dalka ay u dhaarteen.

“Soomaalidu waxay isaga qanacday dulmiga, nin ka mid ah xildhibaanada hadda soo baxay ayaa isoo wacay, waxuu i yiri waa la I dhaariyey, kadib markii la iga baxshey lacagtii aan isku soo sharaxay ee xildhibaanka aan ku noqday, marka axdigaas iyo dhaartaas maka bixi karaa? Haa waa ka bixi kartaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Usuuli.

Waxuu kula taliyey xildhibaanada cusub in aysan isku darsan inay been ku dhaartaan oo hadana soo doortaan nin umadda dhibay oo gadanaya codkii metelaadooda,.

“Maanta xor ayaad tahay waa soo baxday cid xildhibaanimada ka aqaadi kara malaha. Hadii lagu geliyey Kitaabkii oo aad dhaaratay uga bax balanta ninkii ku dhaariyey, hadii aadan dhaarana, qofna haka yeelin inaad u dhaarato, kii ku yiraa ii dhaaro igu kalsownaaw dheh, hadii uu kaa diidana isaga tag,” ayuu yirin Sheekh Usuuli.

Hoos ka daawo