Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii isku qarxiyey saldhigga Kaxda

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ninkii qaraxa ku billaabay weerarkii Todobaadkii hore lagu qaaday Saldhigga Degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Hadal dardaaran ah oo laga duubay Ninkaan ka hor inta uusan is qarxin ayuu ku sheegay in magaciisa yahay Cali Cumar Ibraahim, da’diisa tahay 23 jir, islamarkaana uu kasoo jeedo Beesha Baadi-Cadde, gaar ahaan Jufada Afgaab.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inuu kooxda Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2012 markaas oo uu ahaa 13 Jir maadaama uu sheegay inuu dhashay sanadkii 1999-kii.

Ninkaan ayaa kasoo qeyb galay dagaalo badan oo ay kooxda Al-Shabaab la gashay ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ka hor inta uusan ku biirin qeybta is qarxinta taasoo ugu dambeyn keentay in lagu qanciyo inuu isku qarxiyo Saldhigga Degmada Kaxda.

Weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday Saldhigga Degmada Kaxda ayaa waxaa ka dhashay khasaaro Naf iyo Maal ah, waxayna kooxda Al-Shabaab wadatay Laba gaari oo kuwa ciidamada Booliska ah oo yaalo xarunta Saldhigga.

Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlayey wariyeyaasha ayaa sheegay in weerarka ka dhacay Kaxda uu ku billowday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, wuxuuna tilmaamay in ciidamadu ay sameeyeen iska caabin.

Cabdifitaax ayaa sidoo kale xusay in weerarkaas uu khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaray dad rayid ah iyo dhismaha saldhigga, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in inta uu socday dagaalka ay Kaxda gaareen ciidamo gurmad ah oo sameeyey howlgal ay kusoo qab-qabteen dad lgu tuhmayo weerarkaas.