Kolonyo uu la socday Saciid DENI oo qarax xooggan lala beegsaday + Khasaaraha

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax kolonyo uu la socday madaxweynaha Puntland Saciid Deni barqanimadii maanta lagula eegtay duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa kolonyadan lala beegsaday xilli ay marayeen afaafka hore ee magaalada Boosaaso, waxaana qaraxa jugtiisa si weyn looga maqlay magaaladaas.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan laba askari, halka ay ku dhaawacmeen afar kale oo ka mid ah ciidamadii la socday wafdiga Deni.

Sidoo kale ciidamada galbinayey kolonyada madaxweynaha ayaa la sheegay inay rasaas fureen qaraxa kadib, balse ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay.

Saciid Deni iyo wafdigiisa ayaa safar dhulka ah uga soo ambabaxay degmada Carmo ee gobolka Bari, isaga oo markii horena kasoo baxay magaalada Qordho ee maamulkaasi.

Ujeedka safarkiisa ayaa la xiriiro doorashada ka dhaceyso magaalada Boosaaso oo ah deegaan doorashada labaad ee dowlad goboleedka Puntland.

Boosaaso ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo u badan qaraxyo dhaliyey khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.