Sawirro: Ra’iisul Wasaare Rooble oo farriin culus u diray madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka qeyb-galay munaasabad lagu soo gaba-gabeynayey doorashada kuraasta gobollada waqooyi ayaa farriin u diray madax goboleedyada dalka.

Rooble ayaa dowlad-goboleedyada dalka ku boorriyey inay doorashada xildhibaannad deg deg u soo gebagabeeyaan, si waqtiga looga faa’iideysto, loona fuliyey heshiiskii Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu hambalyo u diray xildhibaada gobollada waqooyi ee lagu doortay magaalada Muqdisho, isaga oo boggaadiyey guddiga Somaliland ee qabtay doorashadaasi.

“Waxaa ku ammaanayaa guddiyada doorashada Somaliland (SEIT) iyo Heer Federaal howsha adag ay qabteen iyo in ay doorashada ku soo dhammeeyeen ka hor xilligii loo asteeyay oo ah 25-ja bishan Febraayo ee sanadka 2022-ka,” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu.

Dhinaca kale qoraal kasoo baxay guddiga SEIT ee Somaliland ayaa lagu sheegay inay sharaf u tahay inay iyagu doorashada bilaabaan, haddana ay soo hor gabagabeeyaan.

“Waxa Sharaf gaar ah u ah Guddiga Doorashada ee Gobollada Waqooyi in ay noqdeen guddigii ugu hor bilaabay doorashada, maantana noqday guddigii ugu hor dhammeeyay hawlaha doorashada ka hor 25/02/2022 oo ah waqtigii loo asteeyay in lagu soo afmeero doorashada Golaha Shacabka ee BJFS” ayaa lagu yiri qoraalka SEIT ee Somaliland.

Qoraalka ayaa intaasi kusii daraya “Waxa sidoo kale aanu ku guulaqysanay xaqiijinta qoondada haweenka ee 30%, marka tirade guud ee xildhibaannada laga saaro labo kursi oo gaar u taagan oo aannay suurtagal ahayn qoondo haween laga gooyo. waxaan ugu baaqayaa Guddiyada SIET iyo FIET in ay dedejiyaan hawlaha doorashada dalka oo muhiim u ah horumarka dawlad-dhiska iyo xasilloonida siyaasaddeed iyo amni ee JFS.”.

Waa guddigii ugu horreeyey ee dhammeystira doorashada Golaha Shacabka, ka hor 25-ka bisha Febraayo oo lagu ballamay in lagu soo dhammeeyo doorashada Golaha Shacabka.