Guddiga doorashada heer federaal oo diiday natiijada doorashada kursiga Fahad

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer federal ayaa ku gacan sayray natiijada doorashadii kursiga HOP#086, oo shalay uu kusoo baxay La-taliyaha Amniga Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Qoraal ay guddiga ay soo saareen xalay ayey ku shaaciyeen natiijada horudhaca ah ee doorashada 5 ka mid ah kuraastii shalay lagu qabtay magaalada Beledweyne ee deegaan doorashada 2-aad ee HirShabelle, ayaga oo ka reebay kursigii 6-aad ee HOP#086.

“Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) waxba iskama badalin go’aankii ay ku hakiyeen kursiga HOP#086, sidaasi darteed waa waxba kama jiraan natiijada talaabadii maanta lagu baalmaray,” ayaa lag yiri qoraal ay guddiga soo saareen.

Shanta kursi ee guddiga ay sida horudhac ah u aqoonsadeen ayaa waxaa kusoo baxay:

1- HOP#015: Xiis Xasan Aadan
2- HOP#008: Maxamed Deeq X.Cumar
3- HOP#274: Maxamed Cabdullahi Xasan (Nuux)
4- HOP#109: Cabdifataax Qaasim Maxamuud
5- HOP#074: Cabdikariim Cumar Xuseen

Go’aanka guddiga ayaa haddii aanay waxba iska beddelin, waxay Fahad Yaasiin oo xildhibaan ku noqday magaca Fahad Daahir Axmed, ka hor istaagi doontaa shahaadada kama dambeysta ah ee xildhibaanimo oo ay bixinayaan Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal.

Maamulka HirShabelle ayaa horey ugu gacan sayray qoraal kasoo baxay guddiga doorashooyinka heer federal, oo lagu hakiyey doorashada kursiga HOP#086, kadibna shalay qabtay.