HirShabelle oo soo saartay jadwal cusub oo saameynaya heshiiskii doorashooyinka

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddiga SIET ee HirShabelle ayaa soo saaray jadwal cusub oo saameynaya heshiiskii doorashooyinka dalka ee ay horey u gaareen Golaha Wadatashiga Qaran, si doorashada Baarlamaanka dalka loogu soo gabagabeeyo 25-ka bishaan Febraayo, 2022-ka.

Warqad kasoo baxday guddiga ayaa waxaa lagu shaaciyey liiska doorashada 7 kursi oo ka mid ah kuraasta taalla Beledweyne, kuwaas oo uu guddigu shaaciyey in doorashada la qabanayo 26-ka bishan, waana maalin heshiiskii Muqdisho lagu gaaray ee ahaa 25-ka lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya, balse tan ayaa caddeyn u tahay in HirShabelle aanay doorashada kusoo gabagabeyn karin waqtigii lagu ballamay.

Kuraasta doorashadooda la shaaciyey ayaa kala ah:-

HOP#003: Waxaa ku fadhiya Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax BeeneBeene.
HOP#006: Waxaa ku fadhiya Maxamuud Cabdullaahi Axmed.
HOP#022: Waxaa ku fadhiya Cismaan Maxamed Cabdi.
HOP#031: Waxaa ku fadhiya Yuusuf Xuseen Axmed.
HOP#032: Waxaa ku fadhiya Khaliif Cabdi Cumar.
HOP#068: Waxaa ku fadhisa Faaduma Faarax Ibraahim.
HOP#252: Waxaa ku fadhiya Cabdicasiis Saalax Carmaan.

Dhinaca kalae maamul goboleedyada Jubbaland, Puntland iyo Galmudug ayaa iyaguna kasii dambeeya HirShabelle, maadaama aysan weli guda-gelin kuraasta taalla deegaan doorashada labaad, taas oo caqabad ku noqon doonto heshiiskii doorashooyinka dalka.

Guddiga Somaliland, kan Koonfur Galbeed ayaa noqday kuwii ugu horreeyey ee ku dadaalla dhaqan-gelinta heshiiska, soona saaray xildhibaanadii ugu badnaa ee lagu sugayey.

Si kastaba doorashooyinka Soomaaliya ayaa marar badan u dib u dhacay, taas oo ay sababayeen caqabadaha ka jira dalka oo ay ugu horreyso xaaladda taagan ee kala guurka.