Daawo: Sidee ayuu ku yimid isbedalka amni ee Kaaraan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay isbeddalka amni ee laga dareemayo degmada Kaaraan oo mar ka mid aheyd degmooyinkii ay ugu badnaayeen ciyaal-weerada.

Yabooh oo ka qayb-galay kulan ka dhacay degmada Kaaraan ayaa sheegay in haatan uu aad u wanaagsan yahay amniga degmada, isla-markaana laga qabtay shaqo badan.

Sidoo kale waxa uu tilmaamayin isbeddalka amni ee degmada Kaaraan uu ku yimid wada shaqeynta shacabka iyo ciidanka ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

 

“Ilaahbaa mahad-leh si fiican ayaa loo wada shaqeeyay maanta Kaaraan, wax badan ayay ka beddalan tahay sidiii hore, amaba waxaa dhihi karaa hadda kama jiraan ciyaal-weero”

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir  ayaa u mahad-celiyay ciidamada ammaanka ee ka shaqeeyay inay amni ku naaloodaan reer Kaaraan.

“Waxaan uga mahad-celineynaa Ilaahey SWT, waxaan uga mahad-celineynaa ciidamada ammaanka oo shaqo badan qabtay oo is kaashanaayo ciidamada boolis milataaro iyo kuwa booliska iyo nabad sugidda iyo maamulka gobolka Banaadir,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu ku celiyay mar kale baaqiisa ku aadan wada shaqeynta shacabka iyo laamaha amniga, si looga hortago falalka ammaan dari ee ka dhacay gudaha caasimada.

“Haddii aan la wada shaqeyn dhibkaa lagu jiraayaa, bulsho mideysan tuug ma ka dhex shaqeyn karo, khawaarijna kama dhex shaqeyn karto,” ayuu mar kale yiri Yabooh.

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa guud ahaan laga dareemayaa deganaasho amni, kadib markii qayb ahaan lagu wareejiyay amniga ciidamo boolis milataaro ah oo dhowaan lagu soo tababaray magaalada Kampala ee waddanka Uganda.