Mareykanka oo hanjabaad u diray muhaajiriinta ku sugan xuduuda MEXICO

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Amniga gudaha ee Maraykanka Alejandro Mayorkas ayaa arbacadii ballanqaaday in “inta badan” kumanaanka muhaajiriinta ah ee doonaya inay maalmaha soo socda ka soo galaan xuduudda Maraykanku la wadaago Mexico, inay kala eryi doonaan.

“Tani waa waxa dhici doona, dib ayaa laguu celin doonaa” sidaas waxaa yidhi xoghayaha amniga gudaha ee Maraykanka maalin ka hor, dhammaadka siyaasadda socdaalka ee mamnuucaysay in Maraykanka la soo galo, sababo la xidhiidhay cabsida faafitaanka cudurka COVID19.

Sida ku cad siyaasadda cusub oo ah mid ka adag tii hore, ayuu sheegay Mayorkas in muhaajiriinta isku daya inay si sharci darro ah ku soo galaan Maraykanka, in la eryi doono, isla markaana laga mamnuuci doono inay Maraykanka cag soo dhigaan muddo shan sannadood ah.

Qaar ka mida khubarada wax falanqeeya ayaa ku qiyaasay inay illaa 150,000 oo qof oo qaxooti ahi inay ku sugan yihiin xuduudda Maraykanka iyo Mexico kuwaas oo doonaya inay si uun u soo galaan gudaha Maraykanka.

Soohdinta waddamada Mareykanka iyo Mexico ayaa waxaa xilligaan ku sugan Tahriibayaal dalal kala duwan kasoo jeeda oo doonaya in ay gudaha u galaan Dalkaas kaddib markii is baddel uu ku yimid maamulka diidanaa soogalootiga.

Inkasta oo maamulka Madaxweyne Joe Biden aanay qaadin tallaabo ama go’aan adag balse waxaa muuqda in uu qaadi dooni tallaabooyin ka dhan ah qulqulka Tahriibayaasha daneynaya in ay galaan Mareykanka.

Si kastaba, wixii ka dambeeyay Febaraayo 2022 waxaa sii kordhayay tahriibayaasha isaga kala gudbaya waddamo dhowr ah oo Qaaradda Ameerika ah si ay ugu dambeyn u tagaan Mareykanka oo ah bartilmaameedka socdaalkooda.