Daawo: Somalia oo ku dhow in xayiraadda hubka laga qaado – Maxaa maanta dhacay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir looga arrinsanayo cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, shirkaas waxaa hoggaamineysa dowladda federaalka Soomaaliya.

La-taliyaha amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin ayaa ka qayb galay Shir looga hadlayo qorshaha qaadista cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Xuseen Macalin oo faahfaahin ka bixiyey shirkaan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sanadkaan awooda isugu geyneyso sidii looga qaadi lahaa cunaqabateynta.

Shirka waxaa ka soo qeyb galay xubno ka socda beesha caalamka, xubno ka socda dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka Soomaaliya oo hoggaamineysa shirka.

“Sanadkaan muhiimadaha ugu waaweyn ee dowladda Soomaaliya waa in laga qaado cunaqabateynta hubka, waxaan isugu keenay shirkaan dhamaan hey’adihii ay khuseysay arrintaan, sida kuwa dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka,” ayuu yiri La-taliye Xuseen.

Wuxuu sheegay in xubnaha beesha caalamka ee shirkaan ay ku casuumeen ay mudo dheer si gaar ah dowladda Soomaaliya uga taageerayeen, sidii looga qaadi lahaa cunaqabateynta ka saaran dhinaca hubka.

Waa shirkii 4-aad ee noocaan oo lagu qabto Muqdisho, kaas oo dowladda Soomaaliya ay garwadeen ka tahay, iyadoo sanad kasta shirkaan looga doodo sidii cunaqabateynta hubka looga qaadi lahaa Soomaaliya.

Sanadkii 1991-kii ayaa Soomaaliya la saaray cunaqabateyntaan, 32-sano kadib waxay dowladda Soomaaliya si weyn ugu ololeyneysaa in laga qaado cunaqabateyntaas, maadaama lasoo dhisay dowlad qaadi karta masuuliyadda xakameynta hubka, sida ay ku doodeyso Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo dagaal kula jirta kooxaha argagixisada ah, waxay marar badan caalamka u cadeysay in dagaalka aysan sii wadi karin oo xagjiriinta aysan ka adkaa karin, hadii aan laga qaadin cunaqabateynta.

Hoos ka daawo Xuseen Macalin oo faahfaahinaya shirka cunaqabateynta