Somaliland oo shaaca ka qaaday in ceel shidaal laga helay deeganadeeda + Video

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa maanta shaacisay in raad shidaal laga helay deegaanka Baha-Dhamal oo ka tirsan degmada Sallaxley ee maamulkaasi.

Wasiirka wasaarada Tamarta iyo Macdanta Somaliland oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaarada ayaa sheegay in goobta shidaalka laga helay markii hore laga qodayay Ceel Biyood.

“Tuulada la yidhaahdo Baha-Dhamaloo Sallaxley dhanka Bari ka xigta 8KM ayaa naga soo gaaraysa in halkaas laga helay calaamado kamid ah in shidaal ku jiro,” ayuu yiri.

“Waxa meeshaas laga qodayay riig ceel biyood ah oo wasaarada biyaha ay ka qodeysay, markii la marayay 340 mitir ayaa waxa kasoo baxay dareere aad u madow, waxaana laga helay saddex calaamadood oo uu yeelan karo.”

Sidoo kale waxa uu sheegay inay wadaan baaris rasmi ah oo la xiriirta arrintaas, ayada oo baaritaanada hordhaca ah ay sheegayaan in goobtaas uu ku duugan yahay shidaalku.

Somaliland ayaa hore waxa ugu sugnaa shirkado shisheeye oo dhowr jeer sahmin shidaal ka sameeyay, hase yeeshe tani waa markii u horeysay ee si ku tala-gal aheyn looga helo shidaal goob aan hore loo calaamadin.

Hoos ka daawo