Dagaalka Al-Shabaab oo la kordhinayo iyo Gen. Odowaa oo war cusub soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha ciidamada xooga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo gaaray deegaanada ay howl-galada ka socdaan ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in la kordhinayo weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Mas’uuliyiintaan oo la hadlay boqolaal kamid ah ciidamada xooga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan deegaanada Dhuumoodle, Maarsamage iyo Dhisiq-Shurufle ayaa ku bogaadiyay ciidamada sida ay ugu dhiiradeen inay la dagaalamaan Al-Shabaab.

Sidoo kale waxay sheegeen inay aad uga xun yihiin dhibaatada ay Al-Shabaab u geysteen dadka ku nool deegaanadaas, islamarkaana dowladda Soomaaliya aysan ka hagran doonin wixii taakuleyn ah.

“Waxaa ballan-qaadeyna in dowladda Soomaaliya taageero weyn idin siin doonto, waana idinku bogaadineyna sida ugu dhiirateen in aad iska dhicisaan Al-Shabaab,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka looga baahan yahay inaysan sii fiirsan dhibaatada ay Al-Shabaab ku hayaan bulshada, islamarkaana ay sii laba-laaban weerarada ay ku qaadayaan goobaha ay ku sugan yihiin.

Si kastaba, Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha ciidamada xooga dalka ayaa tan iyo markii ay howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ka bilowdeen deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud waxay kormeer ku soo mareen deegaanada lagala wareegay Al-Shabaab ee ka tirsan goboladaas.