Sawirro: SOOMAALIYA iyo Mareykanka oo kala saxiixday heshiis malaayiin dollar ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa kala saxiixday heshiis horumarineed oo u dhaxeeya labada dal, kaasi oo lagu taageerayo Soomaaliya dhaqaale gaaraya 86.7 Milyan oo dollar.

Heshiiska ayaa waxa qalinka ku duugay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan (Beene-beene) oo uu wehliyo Wasiirka Maaliyadda Dr. Cilmi Nuur iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre.

Heshiiskaan ayaa ah mid diirada saaraya dhinacyada horumarinta ayaa wuxuu mudnaanta koowaad siinaya: dimuqraadiyadda, maaamulka, xasilinta iyo adkeysiga oo muhiimad gaar ah u leh dalka.

Masuuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa uga mahad-celisay dowladda Mareykanka taageerida saaxiibtinimo, ayaga oo xusay in la hubinayo in looga faa’iideysto taageeridaan hanaankii loogu tala-galay, islamarkaana la waafajin doono qorshaha horumarinta qaranka.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb. Andre ayaa dhankiisa sheegay inay kordhin doonaan taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, isaga oo ku booriyeyna in sida ay tahay loo maareyo lacagta 86.7 Milyan.