Daawo: Suldaanka beesha Mareexaan oo ka digay qorshe uu QOOR QOOR fulin rabo

Muqdisho (Caasimada Online) – Suldaan Bayle Cumar Daad, oo ah Suldaanka beesha Mareexaan oo Madaxwayne Farmaajo uu ka dhashay, ayaa ku eedeeyey madaxweynaha inuu u kala eexday beeshiisa, isagoo fariin u diray madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kariye Qoor Qoor.

Suldaanka ayaa Qoor Qoor uga digay inuu fuliyo rabitaanka Farmaajo inta lagu guda jiro doorashooyinka dalka, waxuuna shaaciyey in Farmaajo uu gadaal ka riixayo qorshe doorashada looga reebayo gabar u sharaxan Senator.

“Gabadha la yiraahdo Deeqo Xuseen Mire waxay u sharaxan tahay Senator, waxaa la rabaa in laga reebo tartanka doorashada, xildhibaanada Mareexaan waxaa Galmudug laga soo doortaa kuwa metelaya jufooyinka kala ah Wagardhac iyo Raada-miir, afartii sano ee la soo dhaafay kursiga Senatorka waxaa ku fadhiyey Raada-miir, maanta Wagardhac ayaa iska leh, Farmaajo waxa uu yiri Raada-miir ayaa hadana leh kursiga, gabadhaasna waxa uu amray in laga reebo liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee Galmudug,” ayuu yiri Suldaan Bayle.

Suldaanka beesha Mareexaan ayaa Madaxweyne Qoor Qoor uga digay inuu godob ka galo jufada Wagardhac ee beesha Mareexaan oo doorashada uu ka reebo gabadhaas.

“Qoor Qoorow dadku waa Soomaali, waana 4.5 beeshaada Saleebaan ee Habargidir iyo beesha Wagardhac ee Mareexaan waa dagaaleen, waana heshiiyeen ee maanta adigu kiis haka gelin Wagardhac oo doorashada ha ka reebin gabadha la yiraahdo Deeqo Xuseen Mire oo ah musharax Senator, liiska ma soo geleyso oo qori mayo oo Farmaajaa sidaas igu yiri hadaa dhahdo waa godob,” ayuu yiri Suldaan Beyle Suldaanka beesha Mareexaan.

Sidoo kale waxa uu uga digay in beeshiisa uu u soo jiido godob noocaas ah, “Qoor Qoorow Madaxweynaa tahay, anigaan Suldaan Beyle ah ayaa ku soo doortay ee Farmaajo kuma soo dooran, anagaa madaxweyne noo tahay ee godob hana gelin, gabadhaas hadey rabto doorashada yeysan ku guuleysan ee adigu liiska ku soo dar,” ayuu yiri Suldaanka beesha Mareexaan Suldaan Bayle Cumar Daad.