Xildhibaan shaaciyey in loo adeegsaday sirdoonka dalka Itoobiya – Yaa ka dambeeya?

Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi oo ka mid ah xildhibaanada Somaliland ee ka soo baxay gobolka Sool, kana tirsan xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa eedeyn culus u jeediyey xukuumadda maamulkaasi ee Muuse Biixi Cabdi.

Mustafe ayaa shaaca ka qaaday in isaga oo ku sugan magaalada Addis Ababa ay xukuumadda Somaliland ‘u adeegsatay’ sirdoonka Itoobiya, si loo xiro.

Xildhibaanka ayaa sheegay in shan nin oo ka tirsan sirdoonka Itoobiya ay ka qabteen maqaayad ku taalla Addis Ababa, isla-markaana saldhiggii uu dhowaa ay geeyeen.

“Shalay aniga oo fadhiya kafateeriya Gaarisa la yidhaa ayay 5 nin oo katirsan sirdoonka Itoobiya ii yimadeen, waxay igu yidhaahdeen soo kac, waxan ku idhi waaran maad wadataan, waxay igu yidhaahdeen mayee saldhiga ayaanu kuugu sheegi waxanu kaa rabno” ayuu yiri xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi oo ka tirsan xisbiga Kulmiye.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in raggaasi ay ahaayeen ciidan lasoo adeegsday, heybtoodana la garanayo, isla-markaana uu ku jiray nin reer Jigjiga ah.

“Ciidan sirdoon ah oo lagu shaqaysanayo ayay ahaayeen, haybtoodiina waala garanaya oo nin reer Jigjiga ah ayaa ku jiray, saldhiga ayay i geeyeen suunkii iyo kabihiina way iga saareen, mobiladiina way iga qaadeen, kii Soomaaliga aha baa igu yidhi dollar ayaad waddanka soo galise danbigaaga iska qiro” ayuu markale yiri Xildhibaan Mustafe Axmed.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dood dheer, kadib raggii ka socday sirdoonka dalka Itoobiya ay shaaciyeen in arrintan ay ka dambeyso Somaliland, isla-markaana ay u soo martay dhinaca safaaradda wadanka Itoobiya, sida uu xildhibaanka hadalka u dhigay.

“Markii lala hadlay waxa soo baxday in ay ahayeen niman halkan laga waday, ninkii Soomaaliga aha ayaa la hadlay sirdoonka Itoobiya waxayna ku yidhaahdeen ninkaa anagu mahaysane dowladiisa ayaa haysata, wasaarada arrimaha gudaha Somaliland ayaa safaarada usoo martay” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey Xildhibaan Mustafe Axmed.

Si kastaba weli ma jirto wax jawaab ah oo ay Somaliland ka bixisay eedeynta ka timid Xildhibaankan, waxaana ka dhashay hadal heyn xoogan, maadaama Mustafe Axmed Cabdulalahi uu ka tirsan yahay xisbiga Kulmiye, isla-markaana laga soo doortay Sool.