Daawo: Jeesow oo xog cusub ka bixiyey kiiska IKRAAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa mar kale ka hadlay kiiska gabadhii la waayey ee Ikraan Tahliil Faarax, isagoo sheegay in gabadhaas aysan weli ku heynin nolol iyo geeri, sidoo kale xildhibaanka ayaa soo dhaweeyey guddiga loo xil saaray baaritaanka kiiska Ikraan.

Xildhibaan Daahir Jeesow oo golaha shacabka ku metela beesha ay ka dhalatay Ikraan Tahliil ayaa sheegay in baadi goobka gabadhaas aysan marna ka fariisan, isagoo codsi hor leh u diray shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa shaaciyey in la qabtay nin soo wacay reerka gabadha, kaas oo sheegay in gabadhii uu meel ku ogyahay, balse markii lasoo qabtay oo la baaray uu noqday nin doonayey inuu been abuur madax furasho ku qaato.

“Saakay waxaan tegay saldhigga Xamarweyne, nin ku xiran ayaa la I tusay, kaas oo lasoo xariiray ehellada gabadha maqan, waxuu u sheegay inuu yahay askari, oo gabadhii uu meel ku ogyahay, laakiin ninka markii la baaray askari waa noqon waayey, waxuuna raadinaayey in lacag la siiyo oo tuugnimadaas oo kaliya ayuu damacsanaa,” ayuu yiri Daahir Jeesow.

Waxa uu sheegay in wararka aan la hubin ay ka fogaanayaan, isla markaana ay kalsooni ku qabi doonaan baaritaanka guddiga uu kiiskaas u magacaabay Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

“Waxaan soo dhaweynayaa guddiga loo magacaabay baaritaanka kiiska gabadhaas, waxaan ka codsanaa in kiiskaas ay si hufan u baaraan, arrinta Ikraan xanuun badan ayey nagu heysaa, nolol iyo geeri ilaa hada mid kuma heyno, saxna ma ahan in ilaa hadda hey’adaha amniga ay meel ku soo sheegi waayaan gabadhaas, taas wax aan sugeynay maaha, ee waa in ehelka gabadhaas ay cadaalad helaan,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Ikraan Tahliil Faarax waxaa la waayey 26-kii bishii hore ee Juun, xilligaas oo gaari laga leeyahay taliska NISA ay ka raacday banaanka hore ee xarunta Habar-Khadiijo, halkaas waayihii dambe ay ka howlgeleysay, eedeynta ugu badan waxaa loo jeedinayaa saraakiisha ugu sareysa NISA, balse illaa hadda xog saxan lagama gelin halka la geeyey Ikraan, nolosheeda ama geerideeda, toona.

Hoos ka daawo Xil Daahir Jeesow