Daawo: Taliye Shub oo shaaciyey sababtii uu Giridhi ugu bedelay ninkii Leelkase

Baydhaba (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan oo loo yaqaano Taliye Shub ayaa faahfaahin ka bixiyey sababtii uu ciidanka uga saaray ninkii u dhashay beesha Leelkase ee Giridhi uu ku bedalay.

Xildhibaan Mahad oo maalmo ka hor ciidan badan kula hadlayey magaalada Baydhaba ayaa ciidankii ka dhex aqooday nin uu horay ugu soo daray oo Giridhi uu u bixiyey.

Markii uu aqooday askarigaas wuxuu Mahad soo xasuustay sidii uu Giridhi ku soo galay ciidanka, wuxuuna goobtaas ka sheegay in nin u dhashay beesha Leelkase uu ka cayriyey ciidanka, isla markaana uu qoray Giridhi oo qaatay lambarka askarigii laga saaray ciidanka.

Hadalkaas ayaa aad ugu faafay baraha bulshada, waxaana ka dhalatay falcelin badan, iyadoo dadka qaar ay arrintaas ku sifeeyeen isir-nacayb uu Taliye Shub ku kacay.

Maanta ayuu Taliye Shub mar kale soo fariistay TV-ga Koonfur Galbeed, wuxuuna ka sheekeeyey sababtii uu ciidanka uga cayriyey askarigii Leelkase.

Wuxuu sheegay in ninka la cayriyey uu la qabsa waayey shaqada ciidanka, isla markaana uu ahaa nin Abwaan ah oo qaadka cuna, wax niyad ahna aan u heyn shaqada ciidanka.

“Waxaan taliye dugsi tababar ka ahaa degaanka 20-jirow, waxaa halkaas la isugu keenay ciidan boolis ah oo laga kala keenay Buuhoodle, Laascaanood iyon Ceerigaabo, 3 bilood ayaan dugsiga 20-jirow ku haye 250 askari, ninka magacaan leh oo askarigaan aan booskiisa ku qoray wuxuu ahaa nin Abwaan ah oo shaqada askarta aan qaba karin,” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan.

Wuxuu intaas ku sii daray in ninka uu cayriyey uu u dhashay magaalada Galdogob ee gobolka Mudug, “Wuxuu la qabsa waayey dugsigii tababarka iyo shaqadii socotay, nin cagaarka/qaadka cunana wuu ahaa, bil iyo wax ka badan ayaan ku heynay halkaas, kadibana waan iska fasaxnay oo cidiisii ayaan u dirnay,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xiligaas uu ciidanka booliska Soomaaliyeed Taliye ku xigeen ka ahaa nin u dhashay beesha Leelkase, isla markaana uu ka warqabay hanaanka tababarka iyo ciidanka looga reebay askarigaas.

“Nin midab takoor lagu eryey maaheyn, ninkii si kale wax u qaatayow ka raali ahaaw, aniga iyo reer Galdogob wax dhibaato ah nama dhexyaalaan, marka kuwa Facebook wax ku qora waxaan leeyahay dadka ha isku dirinina,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan oo loo yaqaano Taliye Shub.

Hoos ka daawo