Siyaasiyiinta Somaliland oo ka walaacsan tallaabadii uu Xasan Sheekh qaaday + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Somaliland Faysal Cali Waraabe oo maanta ka hadlayey mudo kororsigii loo sameeyey Muuse Biixi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaaleyso, isagoo tusaale u soo qaatay codsigii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ay adduunka u direen oo ahaa in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Faysal in Soomaaliya aysan hubkaas u qaadaneyn Al-Shabaab, wuxuuna dadka reer Somaliland ku cabsi geliyey in ayaga ay hubkaas u dalbaneyso dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii uu booqashada ku tegay Itoobiya waxaa isaga iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ay si wadajir ah usoo saareen baaq QM looga codsanayo in Soomaaliya laga qaado xayiraadda hubka.

“Waad ogtihiin waxa maanta Geeska Afrika ka socda iyo sida Soomaaliya ay u dadaaleyso, Xasan Sheekh wuxuu hadda codsaday in cunaqabateynta hubka laga qaado, laakiin waxaan adduunka u sheegayaa, hubkaas yaan la fasixin, waa fidno kalee, yaan Soomaaliya laga qaadin cunaqabateynta,” ayuu yiri Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Reer Somaliland waxaan leeyahay hubkaasi Shabaab uma socdee, idinkaa la idin dalbanayaa, kaalintii Somaliland waxaa baneeyey Muuse Biixi, Adduunkii waa ka harnay.”

Faysal Cali Waraabe ayaa shacabka Somaliland hor dhigay inay kala doortaan inay qaran noqdaan oo is doortaan iyo inay noqdaan “Dukaan Muuse Biixi leeyahay.”

Wuxuu dowladda Somaliland ku eedeeyey in shacabka abaartu heyso aysan u gurman, taas bedelkeedna, wuxuu xukuumadda Muuse Biixi ku eedeeyey inay kala qeybineyso dadka reer Somaliland.

“Maxamed Siyaad Barre waxaa ka xun ninkii na kala qeybiya, Maxamed Siyaad waa na wada dili jiray, laakiin nama kala qeybi jirin, kan maanta na kala qeybinaya ayaa ka xun, shacabyahow ogaada wixii dhibaato dalkaan ka dhaca Muuse Biixi ayaa mas’uuliyadda qaadi doona,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Faysal Cali Waraabe.

Hoos ka daawo