Daawo: Ugaas dil uga bad-baaday Muqdisho oo ku eedeeyey MUUSE BIIXI

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugaas Axmed Saleebaan Shidde oo ka mid ah salaadiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa sheegay inuu ka badbaaday isku day dil, isagoo ka sheekeyey dhibka soo gaaray iyo cidda uu tuhmayo.

Ugaaska ayaa sheegay in shalay subax markii uu ka soo baxay guri ku yaalla degmada Wartanabadda ay soo weerareen rag afku u duuban yahay oo Toorey iyo ulo ku hubeysan, kuwaas oo jir-dil u geystay.

“Waa isoo weeraray labo nin oo Tooriyo sita, oo doonayey inay i dilaan, ilaah ayaa iga badbaadiyey, nabarro badan ayey i gaarsiiyeen, halka laga soo diray nimankaas anigu waan fahansanaa,” ayuu yiri Ugaas Axmed Saleebaan.

Ugaas Axmed Saleebaan ayaa weerarkaas ku eedeeyey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, isagoo sheegay in Hargeysa laga soo abaabulo dilalka loo geysanayo dadka ka soo jeeda gobollada waqooyi ee ku nool Muqdisho.

“Shir jaraa’id ayaan qabtay maalin ka hor, waxaan cadeeyey in dadka reer waqooyiga ah ee Muqdisho lagu leynayo ay ka dambeeyaan Muuse Biixi iyo ina Kaahin, ragga isoo weeraray taasbey ka duulayeen, xalayna waaba la ii cadeeyey oo waxaa la iga soo wacay Hargeysa,” ayuu yiri.

Sidoo kale Ugaaska ayaa sheegay in masuul ka tirsan sirdoonka Somaliland uu soo wacay isagoo ku wargeliyey maalin dambe uusan ka badbaadi doonin raggii jir-dilka u geystay, haddii uusan faraha kala bixin arrimaha Somaliland.

“Waxaa ila soo xiriiray masuul ka tirsan sirdoonka Somaliland, wuxuu iigu hanjabay inuu ka badbaaday, balse ay dili doonaan, haddii uusan ka bixin arrimaha Somaliland, waan garanayaa ninkaas waa sirdoonka Hargeysa, nagama badbaadi doontid ayuu si cad ii yiri, hadii aan dhinto waxaa dilkeyga soo abaabulay madaxweyne Muuse Biixi, Soomaaliyey ogaada,” ayuu yiri Ugaaskaan oo codkiisa ay baahisay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Ugaas Axmed ayaa sheegay inuu qabo dhaawacyo daran oo dowladda Soomaaliya ama qabiil kale uusan u geysan, balse Muuse Biixi uu soo abaabulay, “waxaa na beegsanaya Muuse Biixi oo dadka kala fogeynaya,” ayuu yiri.

Ugaaskaan ayaa Xasan Sheekh ka difaacay eedeyntii Muuse Biixi, isagoo sheegay in madaxweyne Xasan uu ku howlan yahay sidii loo badbaadin lahaa badii uu iibsaday Muuse Biixi, isagoo Alle uga baryey in Xasan Sheekh uu ku guuleeyo dadaalkiisa.

Hoos ka daawo