Xog: Maraykanka oo u kala dab-qaadaya Abiy iyo Xasan

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Maraykanka ayay wararka sheegayaan in ay aad isugu dhabar jabinayso in wax uun isfaham ah dhex dhigto Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Hawshan waxaa si gaar ah u gashay haweenayda Maraykanka u qaabilsan Afrika Phee Molly, oo ah kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda ee arrimaha Afrika, taas oo doonaysa in xaaladda ku dhamaato guul labada dhinac ay dareemayaan.

Waxaa laga soo xigtay iyada oo leh “Doonista Itoobiya ee deked ganacsi waa arrin daw ah, balse waa in lagu xaliyaa dariiq ah in dowladda Federaalka Soomaaliya loo maro.”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wadahadalka ku xirey shuruud ah in marka hore Abiy ka laabto Is-fahamkii Somaliland lala galay, kadibna meel eber ah wax laga bilaabo.

Itoobiya ayaa durba Maraykanka toosh ugu ifinaysa heshiisyada ay Dowladda Federaalka la gashay Turkiga iyo hadalada kasoo baxay Masar, waxayna sheegeysaa in xaaladda ay uga soo darayaan.

Maraykanka oo laftiisa ul booc ah ugu kutubaya Itoobiya, ayaase Itoobiya la qaba dareenka ay ka muujiyeen Turkiga, waana sababta uu heshiis degdeg ah ula gaaray DF, heshiiskaas oo midabbo badan yeelan kara.

Madaxweyne Xasan oo hadlay ayaa bidhaamiyay quwado kale oo waaweyn heshiis la geli karaan wuxuu shir jaraaid ka yiri “Heshiiska Turkiga nagama hor joogsanayo in aan cid kale kula heshiino badda,” hadalkaas oo loo fasirtay in uu ula jeedo Maraykanka.

Balse Maraykanka waxa ay kalsooni aad u weyn ku qabaan Dowlad Goboleed federaalka ka mid ah, iyaga oo xitaa Madaxweynaha ka codsaday in uu ogolaansho ka keeno madaxweynaha maamulkaas ka hor inta aanan la saxiixin heshiiskii Afarta Xero ee dhowaan Muqdisho ku wada saxiixdeen.