27.6 C
Mogadishu
Saturday, April 25, 2026

Daawo video: Wareysigii ugu danbeeyay ee lala yeeshay Qalbi Dhagax

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli taagan muranka ka dhashay qorshaha ay dowlada Somalia Ethiopia ugu gacan galisay Sargaalka ONLF Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax).

Qalbi Dhagax, ayaa wareysigiisii ugu danbeeyay ee lala yeeshay ku sheegay inuu yahay mid uu dardaaran ugu diraayo dhammaan Umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa reer Ogadenia.

Qalbi Dhagax, waxa uu sheegay in dhalinyarada kasoo jeeda dhulka Ogadenia uu ugu baaqaayo inay dhaqaale ku bixiyaan Jabhada ONLF si buu yiri Ethiopia looga xoreeyo dhulka Soomaalida.

Waxa uu tilmaamay in kuwa ka garab shaqeeya maamulka DDSI iyo Ethiopia ay fursad u siinayaan inay ku biiran Jabhada ONLF, haddii la waayana ay si siman ula dagaalami doonaan labada dhinac.

Waxa uu cadeeyay in maalin aan maanta aheyn ay ka cad goosan doonaan Ethiopian-ka awooda ku heysta dhulka Soomaalida, maadaama uu wakhtigu isbedelaayo.

Waxa uu ka digay in dhalinyarada reer Ogadenia ay ku kadsooman dhoola cadeyska dowlada Ethiopia oo iyadu dooneysa inay ku sal balaarsato dhulka Soomaalida.

HOOS KA DAAWO WAREYSIGII UGU DANBEEYAY EE QALBI DHAGAX

- Advertisement -

Read more

Local News