Wasiir Juxa oo sharaxay ujeedka ay dowladu ka leedahay doorashada HirShabelle

Jowhar (Caasimada Online) – Wasaarada Arrimaha Gudaha Somalia ayaa ka hadashay doorashada la filaayo in maanta ay ka dhacdo magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle.

Doorashada dhaceysa oo lagu dooran doono Hogaamiyaha labaad ee soo mara Hirshabeelle, ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa.

Wasiir Juxa ayaa sheegay in dowladu ay dhexdhexaad ka tahay doorashada maanta ka dhaceysa Magaalada Jowhar.

Wasiir Juxa waxa uu tilmaamay inaanu jirin cid gaara oo ay taageersan tahay dowlada Federaalka, sidaa aawgeed musharaxiinta laga doonaayo in doorashada ay ku galaan jawi degan.

Juxa waxa uu sheegay in ujeedka dowladu ay tahay keliya fududeynta howlaha doorashada balse awoodeeda ay leedaha HirShabelle.

Waxa uu tilmaamay in doorashadu ay tahay mid maamul goboleed, isla markaana dowladda Soomaaliya ay la socon doonto sida ay u dhaceyso.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo baxaayay warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay taageerayso qaar ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Hirshabeelle.

Geesta kale, amniga Magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ku sugan xubno ka socda dowladda Dhexe iyo Beesha Caalamka.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com