Daawo: WAARE oo su’aalo ka keenay howlgalka socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare oo wareysi gaar ah siiyey warbaahinta dowladda ayaa ka hadlay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab isaga oo su’aalo ka keenay, sida ay wax u socdaan.

Waare ayaa marka hore qiray in laga adkaaday Al-Shabaab, isla-markaana ay haatan ku jiraan marxaladoodii ugu dambeysay, sida uu hadalka u dhigay.

“Mashruucii Shabaab inuu dhammaaday iyaguba way fahmeen oo hadda guuritaanka iyo deegaanada ay kasoo baxayaan iyo istiraatiijiyadda ay hadda qaateen oo ay isku uruurinayaan, si ay u aadaan koonfurta iyaga saa-saantooda waa laga dareemayaa inuu waqtigooda dhammaaday,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle.

Maxamed Cabdi Waare oo hadalkiisa sii wata ayaa dhinaca kale su’aalo ka keenay howlgallada ay wadaan ciidanka dowladda iyo maleeshiyaadka degaanka ee Macawiisleyda, wuxuuna xusay in haboon tahay in wax la’iska weydiiyo waxyaabihii hore u dhacay ee sababay inay ciidamada huwanta dib uga soo baxeen deegaano ay ka qabsadeen Shabaab.

“Annaga waxaa na laga rabaa abaabulkeena ma waxa uu noqon doonaa mid kala daadsan, mase qaab darradeenii waxaas ayaa soo bixin doono? taas waayey dooda ma ogiyee Shabaab waqtigiisa waa dhammaaday,” ayuu sii raaciyey siyaasi Maxamed Cabdi Waare.

Sidoo kale wuxuu ku daray “Maxaas qabiilada maxay u kaceen, maxay qabiilada qaar buste hoosteed ugu jiraan, maxay nabadoonada qaarkood u dhiiran yihiin, maxaaa nabadoonada qaar loo aamusiyey, maxaa nabadoonada qaar Al-Shabaab uga soo dhex hadloowaan?.

Hadalkan ayaa kusoo aadyao, ayada oo haatan dalka uu ku jiro marxalad dagaal, kadib markii ay dowladda Soomaaliya ku dhowaaqday howlgallo ka dhan ah kooxdaasi, kuwaas oo haatan xoogooda ay ka socdaan gobollada Shabeelaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.

&nbsp