KACDOONKA oo marxalad cusub galay – Saddex arrin oo muhiim ah oo dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shahaab ayaa shalay weerar gaadmo ah kusoo qaaday deegaanka la yiraahdo Jicibow oo hoos taga degmada Buula Burde ee gobolka Hiiraan.

Kooxda ayaa la sheegay inay dooman kaga soo gudbeen dhanka wabiga, iyagoo aad u hubeysan oo damacsan inay kala jaraan isku xirka ciidanka jira dhanka Beledweyne iyo midka jira dhanka Buula Burde.

Dagaalkii bilowday shalay aroortii wuxuu joogsaday xalay fiidkii, markaas oo ay ciidamada dowladda xaqiijiyeen in lasoo afjaray kooxdii soo qaaday weerarka.

Waxaa lagu tilmaamay dagaalkii ugu cuslaa ee dhacay in muddo ah. Dagaal 11-saacadood socday kadib wararku waxay sheegayaan geerida ku dhawaad 100 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, wararka qaar ayaa intaas ka badinaya geerida kooxda kasoo gaartay dagaalkaan.

Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo midka dadka deegaanka iyagana dhankooda khsaare ayaa lasoo wariyey. Laba jiho ayaa la xaqiijiyey in laga weeraray kooxda Al-Shabaab ee iyada marka hore weerarka soo qaaday, iyadoo ciidanka dowladdu ay gurmad ka heleen dhanka magaalada Beledweyne.

Ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka waxaa caawiyey inay heleen xogta kooxda markii ay dhanka wabiga doomo uga soo gudbeen. Al-Shabaab kama hadlin dagaalkaan khasaaraha badan dhaliyey, caadiyana kama hadlaan dagaalada lagu jabiyo.

Dagaalkaan wuxuu noqday mid kamid ah saddexdii dagaal ee ugu khasaaraha badnaa oo ay la kulmaan Al-Shabaab waayahaan, mid wuxuu ahaa dagaalkii ay kusoo qaadeen deegaanka Baxdo, midka labaad waa dagaalkii deegaank Ceel-Qooxle ee hoos tagta Moqokori, midna waa dagaalkaan shalay ka dhacay deegaanka la yiraahdo Jicibow ee hoos taga degmada Buula Burde.

Laba kamid ah dagaalladaan waxaa khasaaraha ku badiyey kooxda Al-Shabaab ayaa la leeyahay in la helay xogtooda oo loo diyaar garoobay.

Dhanka kale, ciidankii ugu badnaa ee ka qeybgeli lahaa dagaalka Al-Shabaab ayaa shalay lagu soo bandhigay duleedka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ciidaankaan oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa la filayaa inay gobolkaasi ka billaabaan dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Haddii uu gobolka Shabeellaha Dhexe ka billowdo dagaalka la qorsheenayo waxaa la fahamsan yahay n Al-Shabaab aysan kasii dagaalami karin gobolka Hiiraan oo ay la kulmi doonaan culeys badan.

Ciidankaan loo diyaariyey inay weeraraan Al-Shabaabka ku sugan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa wararka qaar waxay sheegayaan inay billaabayaan howlgalkooda marka uu madaxweyne Xasan Sheekh kusoo laabto dalka oo ay is arkaan madaxweynaha iyo saraakiisha hoggaamineysa ciidankaan.

Dhanka kale, shacabka Soomaaliyeed ayaa billaabay inay gurmad siiyaan ciidanka ka qeyb qaadanaya dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Dhawaan waxaan sii deynay warbixin baaq aheyd oo aan shacabka ugu iftiiminay sida loogu baahan yahay inay gurmad dhinac walba ah la gaaraan ciidanka deegaanka iyo midka dowladda ee u taagan in lasoo afjaro gumaadka ay Al-Shabaab ku heyso shacabka Soomaaliyeed mudada dheer.

Waxaa muuqata in dalabka gurmadka la jiibay oo uu bilowgiisa muuqdo. Horey uma dhicin in dagaal intaan oo waji ka kooban lala galo kooxda Al-Shabaab, waana midda xoojineysa rajada shacabka Soomaaliyeed ee ah in lasoo afjaro kooxda.

Saddexdaas arrin ee kala ah; dagaalkii Jicibow, ciidanka ka baxay Muqdisho, iyo gurmadka shacabka waxay marxalad cusub gelinayaan dagaalka, waana dhowdahay guusha.