Daawo: Cali Guudlaawe oo runta u sheegay beeshiisa

Cadale (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo booqasho ku tagay degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe oo lagu diyaarinayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa dadka shacabka ah ugu baaqay inay qorayaha qaataan oo ay iska dhiciyaan kooxda Al-Shabaab.

Cali Guudlaawe oo soo dhaweyn weyn loogu sameeyey degmada Cadale ayaa shacabka u sheegay in markaan lagu dhiiraday in kooxdaan la iska dhiciyo, islamarkaana laga xoreeyo guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada HirShabelle.

“Waxaan rabaa bulshada ku nool gobolka Shabeellada Dhexe, gaar ahaan degmada Cadale oo aan ku suganahay iyo degmooyinka kale ee an ku jiheysanahay Inshaa Allah inaan u sheego in booqshooyinkii aan ku imaan jirnay ay midaan tahay mid ka duwan,” ayuu yiri madaxweyne Cali Guudlaawe.

Cali Guudlaawe ayaa sheegay in booqshada uu ku yimid Cadale ay tahay mid ka duwan kuwii hore isla markaasna laga doonayo dhallinyarada iyo waayeelka inay qoryaha qaataan.

“Markii hore waxaan isugu imaan jirnay annagoo danaheyna iyo horumarka deegaanka iyo xaaladad guud ee gobolka iska wareysaneyno, laakiin maanta way ka duwan tahay booqshadaan waa mid dib u xoreynta guud ahaan dalka gaar ahaan midda HirShabelle,” ayuu sii raaciyey.

Wuxuu hadalkiisa kusii daray  “Waxaan rabaa nimaankaan horumarka u diiday ummadda Soomaaliyeed ee argagixisada ah ee aan saqiir dhaafeyn oo aan waayeel dhaafeyn meel looga baxsanayo la waayey oo masaajidka haddaad tagtana kugu dhex dilayo inaan gacanteena isaga xoreeno ayaa la rabaa.”

“Waxaad marqaati ka tihiin gobolada dalka waa lagu dhiiraaday, gobolo badan oo ay dhib ku hayeen ayaa iska dul qaaday, gacantooda ayey ku ciil baxeyn, waxaa laga rabaa ummadda HirShabelle, gaar ahaan gobolka Shabeellada Dhexe yar iyo waayeel inta qoriga la qaato dadkaan aan afkooda la aqoon in la iska dhiciyo.”

Dadka Guudlaawe baaqa u diray ee dega gobolka Shabeellada Dhexe ayaa kasoo jeeda beeshiisa Abgaal, oo aan weli dagaalka ku biirin.

Deegaanada maamul goboleedka HirShabelle ayaa waxaa ka bilowday kacdoon looga soo horjeedo kooxda Al-Shabaab, wuxuuna markii hore kasoo bilowday gobolka Hiiraan iyadoo hadda la qorsheenayo in laga bilaabo Shabeellada Dhexe.

Kooxda Al-Shabaab ayaa markaan wajaheysa culeys uga imanaya dadka shacabka oo u abaabulan qaab qabiil, mana la ogo waxa uu ku dhammaan doono kacdoonka, inkasta oo ay u badan tahay in dalka looga xoreey.