Xildhibaano ka falceiyey ‘khasaarihii cuslaa ee shalay la gaarsiiyey’ AL-SHABAAB

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka iyo xildhibaano hore oo reer Hiiraan ah ayaa ka falciyey khasaaraha kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyey dagaal shalay ka dhacay deegaanka Jicibow oo 30km u jira degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Warbaahinta dowladda ayaa khasaaraha Al-Shabaab ku sheegtay 200 oo dhimasho ah halka guddoomiyaha degmada Buulo-burde uu sheegay in 100 lagu dilay. 

Cabdullaahi Goodax Barre oo horey u soo noqday Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa yiri “Waxaan u hambalyaynayaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisley, guusha weyn ee ay ka gaareen deegaanka Jicibow ee hoostagga Degmada Buulo Burde. Mujrimiinta oo in ka badan 500 oo nin ku soo weeraray deegaanka Jicibow ayaa jab xoogan loo gaystay, qaar la dilay, qaar dhaawac lagu qabtay iyo qaar buur dusheeda go’doon ku ah oo lagu hareereysan yahay ayay noqdeen.”

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in ujeedka Shabaabku uu ahaa inay cagta mariyaan saldhigga ciidamada, balse ay ku hungoobeen.

“Waxa uu qorshahoodu ahaa in ay cagta mariyaan saldhigga ciidamada wadajirka ah, balse si la yaqaan ayay ciidankii sutida ugu qabteen Khawaarijtii weerarka soo qaaday, dhegta ayaana dhiigga loo daray. Loogama harin ee waa la daba-galay, waxay galeen dhul buureed kayn ah oo ay sii sahansadeen. Taliyeyaasha Ciidamada waxa ay amreen in la go’doomiyo keliya, si aanay fursad ugu helin in ay u tallaabaan dhanka galbeed. Khawaarijtuna waxa ay dan u arkayn in la isku habeensado, kadibna ay helaan dooman ay ku gudbaan, kuna qaataan dhaawaca iyo meydadka soo gaaray oo aad u baaxad weyn,” ayuu yiri Xildhibaan Macalimuu.

Macalimuu ayaa yiri “Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka waxaa u soo gurmaday ciidamo badan oo ahaa kuwii fidhiyay Yasooman iyo qaar Halgan ka soo baxay. Hawlgal aan garan karin ayay ciidamada oo amaro ka helaya Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed la damacsan yihiin haraadiga go’doonsan. Haddii Shabaab xero inta ay weerar gaadma ah ku soo qaaaan ay cagta marin jireen, hadda waxa yimid kuwa kalsooni iyo dhiiranaan qaba oo hubkooda ku xisaabtamaya.”

Khasaaraha Al-Shabaab ku gaaray halkaas ayaa noqonaya kii mid ka mid ah kii ugu xoogganaa ee hal goob ku gaaray.