Wararkii ugu dambeeyey ee madaafiic lagu garaacay xerada ATMIS ee BALCAD

Balcad (Caasimada Online) – Warar naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay saq-dhexe ay Al-Shabaab madaafiic ku garaaceen xero ciidamada dalka Burundi ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ay ku leeyihiin degmada Balcad ee gobolkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in hoobiyeyaasha oo gaarey illaa 5 madfac lala beegsaday saldhig ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin xaafadda Xaawa Taako, gaar ahaan aaga Warshaddii hore ee dharka Balcad, halkaas oo si xoogan looga dareemay weerarka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhankooda ciidamada Burundi ay ku jawaabeen madaafiic culus, mana cadda khasaaraha rasmiga ee ka dhashay weerarkaasi.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac iyo maamulka degmada Balcad oo ku aadan madaafiicda ay is weydaarsadeen ciidamada Burundi iyo Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana ciidamada ATMIS iyo kuwa dowladda ay howlgallo ka bilaabeen Balcad iyo agagaarkeeda, kuwaas oo lagu xaqiijinayo amniga.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdeen deegaanka Basra oo u dhow degmada Balcad, halkaas oo ay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo xoogaga kooxdaasi, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada huwanta ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.