Khasaaraha Al-Shabaab ku gaaray dagaalkii shalay ‘oo maraya 100 dhimasho ah’

Buulo-burde (Caasomada Online) – Xog cusub ayaa laga helayaa khasaaraha kooxda Al-Shabaab ay ka kulmeen dagaal shalay ka dhacay deegaanka ee Macawiisleyda ku leeyihiin deegaanka Jicibow, oo 30km dhanka waqooyi kaga beegan Degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan.

Warbaahinta dowladda ayaa werisay in ciidanka qaranka oo gacan ka helaya dadka deegaanka ay hareereeyeen maleeshiyadii oo ku sugnaa goob wabiga jiinkiisa ah oo ay doonayeen inay ka talaabaan laguna laayey. 

Maxamed Shiine oo ah guddoomiye ku xigeeenka Maamulka iyo Maareynta degmada Buula-Burde ayaa warbaahinta u sheegay in ku dhawaad 100 ka tirsan Al-Shabaab ay dileen, halka qaar kalena ay isa soo dhiibeen, halka intii hartayna ay ciidanka ku hareereysan yihiin.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa khasaaraha Al-Shabaab halkaas ku gaaray ku sheegay in ka badan 200 oo maleeshiyo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa damacoodu ahaa in ay kala gooyaan labadda magaalo ee Beledweyne iyo Buula-burde, sida ay xog ku bixiyeen saraakiisha ciidamada dowladda. 

Sida wararku sheegayaan, maamulka deegaanka ayaa ka war helay in Al-Shabaab badan oo doomo wata ay halkaas soo saldhigteen, waxaana durbaba halkaas u ruqaansaday ciidamada xoogga oo kaashanaya Macaawisleyda.

Ciidanka xoogga dalka ayaa sidoo kale gurmad xoojin ah u diray halkaas kuwaasi oo kooxda ku hareereeyay deegaanka Jicibow, kadibna uu dagaal culus ka dhacay.

Dagaalkii oo shalay subax billaabmay ayaa soo gaaray illaa maqribkii xalay, waxaana la sheegay in cagta la mariyey Shabaabkii.

Khasaaraha Al-Shabaab ku gaaray halkaas ayaa noqonaya kii mid ka mid ah kii ugu xoogganaa ee hal goob ku gaaray.