Daawo: Xoghayihii BF oo xog cusub ka bixiyey lacagtii laga qaaday musharaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayihii guud ee Golaha Shacabka Soomaaliya Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo 10-sano kadib shalay xilkaas wareejiyay, kadib markii uu is-casilay dhawaan ayaa sharaxay halka ay ku dambeeyaan lacagihii laga uruuriyey musharaxiinta xiligii doorashada.

Buux ayaa xafladii xil wareejinta uga faa’iideystay inuu ka jawaabo eedeymo laga faafiyey oo la xariiray in hoggaanka golaha shacabka uu lunsaday lacagahii laga uruuriyey musharaxiinta.

Wuxuu sheegay in lacagahaas toos loogu shubay qasnadda dowladda, isla markaana loo maamulay si waafaqsan sharciga maaliyadda ee dalka, “Yaan sharafta baarlamaanka meel looga dhicin, waxaan arkayey dad soo qoraya malaayiin dollar oo xiligii doorashada la uruuriyey ayaa la lunsaday,” ayuu yiri Buux.

Wuxuu intaas ku sii daray, “10-sano ayaan kasoo shaqeynayey hey’adaan sharci dejinta, waana halka laga ilaaliyo sharciga dalka, wax musuq ahna kuma dhex arkin, lacagtaasna waxaa laga maamulay oo lagu shubay qasnadda dowladda.”

Sidoo kale Cabdikariin Buux ayaa sheegay in lacagihii laga uruuriyey musharaxiinta xiligii doorashada ay gaarayeen hal milyan iyo seddax boqol, “Hadda waxaa ka dambeeya boqol kun oo loo qorsheeyey in la siiyo shaqaalihii ka shaqeynayey doorashada, waxaana gacanta ku heysa wasaaradda maaliyadda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Buux.

Cabdikariin Buux ayaa dhawaan iska casilay xilka xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Soomaaliya, isagoo aan shaacin sababta, wuxuuna maanta xilkaas ku wareejiyey Cabdiraxmaan Jaabiri oo guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu u magacaabay.

Hoos ka daawo hadalka Buux