Daawo: War cusub oo kasoo kordhay dhacdadii Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli soconaya dadaallo xoogan oo cadaalad loogu raadinayo Marxuumad Luul Cabdicasiis oo uu dhowaan ninkeeda ku gubay magaalada Muqdisho, kadibna u geeriyootay falkaasi argagaxa leh.

Qoyska marxuumadda ayaa weli dalbanaya cadaalad iyo in lasoo qabto eedeysanaha oo haatan baxsad ka ah laamaha amniga Soomaaliya.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiisha laamaha amniga ayaa booqday guriga qoyska, si ay usoo xog wareystaan, maadaama dhibaato weyn la gaarsiiyay.

Aabe Cabdicasiis oo la hadlay madaxda booqatay ayaa ka dalbaday inay cadaaladda la raadinayaan, si dambiilaha loo soo qabto, kadibna sharciga loo horgeeyo.

“Maanta waxaa ka fileynaa inaan sida ugu dhaqsiyaha badan u helno cadaaladda dowladda xittaa sumcad uma aha inay saan dhacdo” ayuu yiri Aabe Cabdicasiis.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Banaadir Macallin Mahdi oo isna goobta ka hadlay ayaa ballan qaaday inay soo qaban doonaan eedeysane Say Cali Macallin Daa’uud, wuxuuna sheegay in xittaa haddii uu u baxsadi dibadda ay uga daba tagi doonaan.

“Mas’uuliyadda koowaad oo naga saaran waxa ay tahay in lasoo qabto dambiilahaas meel kasto oo caalamka uu ka tego Insha allah waan soo qabaneynaa” ayuu isna yiri taliyuhu.

Ugu dambeyn waxaa warbaahinta hadal siiyay guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo sheegay in maamulka gobolka uu kafaalo qaaday carruurta agoonta ah ee haddana hooyadood loo dilay sida arxanka daran.

“Ilmaheenna kuwa soo barbaara allaha ka dhigo, insha allaha annaga ayaa kafaala qaadnay, waxbarashadooda iyo noloshooda” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho.