Waraabe weerar ka geystay Hargeysa + Khasaaraha

Hargeysa (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helaya weerar uu xalay Waraabe ka geystay gudaha magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, kaas oo waxyeelo gaarsiiyay ilmo yar, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Dhacdadan ayaa xalay ka dhacday degmada Axmed Macallin Haaruun, kadib markii uu Waraabe dafay gabar yar oo lagu qiyaasay 6 jir, taas oo mar ka dambe lasoo bad-baadiyay.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in gabadha yar uu Waraabaha la galay meel geedo ah, isla-markaana uu dhaawac xoogan soo gaaray.

“Ilmaha yar wejiga iyo sanka nabar ayaa kaga yaallo, madaxa laba meel ayey wax ka muuqdeen, dhiig jirkeeda wuu ka muuqday,” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in xaafaddan aycaan ku tahay Waraabaha, isla-markaana uu horey u joogi jiray, isaga oo aan waxyeelo u geysan dadka.

“Horay cid wax uma yeeli jirin Waraabaha oo xaafadaha ayuu dhex qaadaa halkan ayuu iska soo maraa buundada yar, isaga oo habeenkii joogo waa ku maraa,” ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale dadka deegaanka ee xaafadda ku nool oo iyaguna ka hadlay dhibaatada ayaa baaq u diray dowladda hoose, waxayna ka codsadeen in geedaha laga jaro xaafaddaasi.

“Xaafadda waa dibaato nagu hayo geed garan waa la yiraahdo oo uu iska soo dhex-galayo Waraabuhu iyo dooxo, cabashadeenu waxay tahay in dowladda hoose iyo maamulka Cabdikariin Mooge in ay wax ka qabataan,” ayuu yiri nin kale oo kamida dadka deegaanka.

Hargeysa in Waraabe lagu arko ma’ahan wax cusub, ayada oo marar kala duwan uu dad ku cunay xaafadaha kala duwan ee magaaladaasi.