Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxman Faroole, ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyey TV-ga Somalia Channel.
Faroole, waxa uu ka hadlay arrimo badan, sida taarikh nololeedkiisa, xaaladda siyaasadeed ee Puntland iyo muranka ka dhex oogan isaga iyo dowladda federaalka ah ee Somalia iyo sidoo kale arrimo kale oo uusan weligiis horey uga hadlin.
Sida laga filayeyba waxa uu si aad ah u dhaliilay dowladda federaalka ah ee Somalia. “Dowladda federaalka Puntland ayaa dhashay, waa canugii Puntland” ayuu yiri Faroole.
Waxyaabaha cusub ee Faroole uu ka hadlay waxaa ka mid ahaa qaabkii Xasan Sheikh loo doortay oo uu sheegay inuu kaalin ku lahaa iyo ballan uu sheegay in madaxweynaha uu ka baxay.
Halkan ka daawo wareysiga
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

