Daawo: Wariye Cali: Askari ayaa i rasaaseeyey aniga oo duubaya dad u careysan 30 jir 30 milyan haysta + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Weriye Cali Muxiyaddiin oo ka tirsan Caasimada Online ayaa waxaa rasaas si naxariis darro ah ugu furay askari ka tirsan ciidamada fadhiya bar kontorool oo ku taal isgoyska Sheelaro ee lagu baaro gaadiidka.

Askarigaasi ayaa Wariye Ali Muxiyaddin kula kulmay degmada Xamar Weyne xili uu muuqaal ka duubayay ganacsatada qaadka oo ka cabanayay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda kuna dhow madaxtooyada Villa Somalia oo lagu eedeeyay sicir bararka qiimaha qaadka Miirowga ee Kenya.

Wariye Cali Muxiyaddiin ayaa haweenka qaadka ka ganacsada ka wareysanayay cabasho ay ka qabaan qaadka miirowga ee dhawaan Kenya loo fasaxay, waxayna sheegeen in xubno gacan saar la leh dowladda inay cunaha qabteen ganacsatada yar yar, iyagoo xusay Wasiirkii hore amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo rag kale oo madaxtooyada ka tirsan, waxayna ka codsadeen madaxweyne Xasan Sheekh inuu arrintaan soo farageliyo.

Wariyaha ayaa weerarka lagu soo qaaday markii haweeney qaadlayaasha ka tirsan ay cod dheer ku tiri “30 jir 30 milyan haysto hana nabadgeliyo masaakiinaa nahee, illaaheyna haka baqo,” waxaana markiiba kusoo cararay askari qaad ka iibsanayay goobta oo taagnaa haweeneyda hadleysay gadaasheeda, wuxuuna ku amray inuu muuqaalka damiyo isla markaana dir diro, isagoo ku cabanayay in muuqaalka isaga laga duubay oo kaamirada qabatay.

Askariga oo u muuqday labo arrin midkood oo ah inuu dhibsaday haweeneyda hadalka ay ku hadleysay ee 30 jir 30 milyan haysto ama in damcay kaamirada iyo taleefanka uu wariye Ali Muxiyaddiin gacanta ku haystay.

Dood dheer kadib askariga ayaa qorigii amaanka u furtay wuxuuna rasaas ku riday Wariye Ali Muxiyaddiin, oo rasaastaasi alle ka badbaadiyay, dadkii goobta ku sugnaana ka argagaxay rasaastii lagu riday wariyaha, waxaana meeshii ka dhashay buuq iyo in askarigii laga celceliyo isagoo ku hanjabayay inuu dili doono Wariyaha.

Askariga ayaa la sheegay inuu ka tirsan yahay ciidamada booliska Haramcad ee fadhiya isgoyska Sheelaro, heyb ahaana ay isku dhow yihiin Wasiirkii hore amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur oo haweenka qaadleyda ay ku sheegeen 30 jir 30 milyan haysto.

Dhalinyaro goobta ku sugneyd ayaa askarigii ku qanciyay in la tirtirayo muuqaalka, waxaana wariyihii Caasimada Online laga qaaday kaamiradii oo iyo qalabkii uu wax ku duubayay, nasiib wanaag muuqaaladii Kaamirada duubtay ee laga tirtiray dib ayuu usoo celiyay Wariye Ali Muxiyaddiin, taasi oo ugu wacan aqoon aysan u laheyn kaamirada in dib loo soo celiyo muuqaaladii.

“Waa ayaan daro in askari ciidanka qaranka ka tirsan ee loo tababaray inuu ilaaliyo amniga muwaadinka iyo nabadgelyada in shacabkii uu rasaas ku rido, maalin walbana askari dowladda ka tirsan si macno daro u dilo dhalinyarada oo ah mustaqbalka dalka, wax cabsi ah ama is hortaag shaqadeyda uma keeni doonto falkaasi anshax darada ah ee foosha xun,” ayuu yiri Ali Muxiyaddin.

Falalka ay geysanayaan maalin walba askarta ka tirsan dowladda ee loogu talagalay inay ka shaqeeyaan amniga muwaadinka Soomaaliyeed, waxay beegsadaan dadka shacabka oo si macno daro ah u dilaan, waxayna ugu daran yihiin caddow shacabka laga ilaaliyo.

Maamulka Caasimada Online wuxuu dhanka kale cambaareynayaa isku daygaasi lagu dhibaateeyay wariye Ali Muxiyaddin oo ka tirsan howlwadeenada Caasimada Online, waxayna ugu baaqeysaa hay’addaha amniga in askarigaasi oo la garanayo muuqaalkiisana ku jira muuqaalka la duubay in sharciga la horkeeno laguna qaado ciqaabta uu mudan yahay si ay tusaale ugu noqoto kuwa kale ee dhibaatada shacabka iyo wariyeyaasha ku howlan.

Caasimada Online
Muqdisho, Somalia