Daawo: WASIIR DURAAN Faarax oo shaaciyey cida boobeysa kursiga beeshiisa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee XFS, Duraan Faarax ayaa eedeyn culus u jeediyey hoggaanka Puntland, kadib markii laga hor istaagay sida uu sheegay inuu u tartamo kursiga xildhibaan ee beeshiisa ay ku leedahay golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiir Duraan ayaa dhawaan tegay magaalada Garowe, si kursiga Hop166 uu ugu tartamo, balse waxa uu sheegay in damaciisii ay ka hor istaagtay madaxtooyada Puntland.

Wasiirka ayaa hoggaanka Puntland ku eedeeyey inay doonayaan in kuraasta Golaha Shacabka ee beelaha deegaanada Puntland ay dad gaar ah u xiraan.

“Waxyaabaha cajiibka ah ee aan idinla wadaagayo waxaa ka mid ah, in madaxtooyadu ay la soo hadleyso guddiga loo xil-saaray doorashada, iyadoo amar lagu siinayo in qof gaar ah loo diiwaan geliyo, kursiga, odaga dhaqanka ama ergada, iyadoo lala gambaneyn nin jecleysiga ka jira meesha,” ayuu yiri Wasiir Duraan.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in doorashadii hore ee 2016-kii uu u tartamay isla kursigaan, balse looga guuleystay isagoo ku qanacsan natiijada, laakiin waxuu aad u dhaliilay hanaanka haatan uu doorashada ku maamulayo hoggaanka Puntland.

“Doorashadii sanadkii 2016-kii waxay u dhacday si cadaalad ah, waxayna taasi ka dhigan tahay in dadkii xiligaas xukunka hayey ay la haayeen dareen Soomaalinimo, laakiin kuwa hadda xukunka jooga, waxay doonayaan inay doorashada boobaan, iyagoo aan u tureyn shacabka reer Puntland,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Ugu dambeyntii wasiirka ayaa sheegay in si hor dhac ah uu hambalyo ugu diraayo ninka kursigaas loo doora doono, kaas oo sida uu sheegay uu sii ogyahay, maadaama kursiga loo xiray sida uu hadalkiisa u dhigay, inkastoo uusan magaciisa sheegin.

“Ninkaas hada hambalyada ayaan u sii hor marinaayaa, waxaana ka rajeynaa in si wanaagsan oo cadaalad ah uu ugu adeegi doono bulshada aan dooran ee xildhibaanka looga dhigayo,” ayuu yiri wasiirka gadiidka iyo duulista hawada XFS Duraan Faarax.

 Hoos ka daawo