Daawo: Xuud oo shaaciyey qorshe aan horey loo ogeyn oo uu MUQDISHO u yimid

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Abuukar Xuud oo ah hoggaamiyaha Jabhad ka aas-aasan gobolka Hiiraan ayaa maanta la keenay Muqdisho, iyadoo diyaarad looga soo qaaday magaalada Beledweyne, Xuud ayaa warbaahinta u sheegay inuu u tanaasulay qaranimada Soomaaliya, isagoo uga baqaya inay burburto.

Sidoo kale Xuud ayaa sheegay in canshuurta dadka Soomaaliyeed uu wax ku soo bartay, taasina ay ku kaliftay maanta in dowladnimada uu u tanaasulo, sidoo kalena uu heshiisii doono madaxda sare.

Waxuu sheegay in Muqdisho uu u yimid si loo badbaadiyo dowladnimada Soomaaliya, isla markaana uu isku howli doono heshiisiinta madaxda ugu sareysa dalka, isagoo madaxda u soo jeediyey in caro la isku qabo aan dalka loo burburin.

“Soomaali maanta waxaan u sheegayaa inaan u tanaasulay in qaranka Soomaaliyeed uusan burburin, canshuurtiisa ayaan wax ku soo baranay, in dalkaan aan burburino nalooma soo tababarin, dhibka dhexdeena ka teegay waxuu keenayaa qaran-jab hor leh, qaran waa duminay, laakiin ma dhisi naqaano,” ayuu yiri Jeneraal Xuud.

Sidoo kale Xuud ayaa sheegay in Xamar uu u yimid arin khuseysa dowladda federaalka, balse safarkaan uusan shaqo ku laheyn khilaafkii kala dhaxeeyey hoggaanka HirShabeelle.

“Anigu waxaan Muqdisho u imid arrin federaalka kheyseysa, HirShabeelle waan is khilaafnay, laakiin wixii Alle ka dhigo ayey noqon, balse waxaan xaq u leeyahay mida federaalka ah, raggii la heshiisii waayey, ayaan doonayaa inaan heshiisiiyo, oo aan isu keeno oo Soomaali mideeyo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Xuud.

Waxuu ku celceliyey in dadka Soomalaiyeed ay midnimo meel ku gaari karaan, isagoo sheegay in mid ka mid ah masuuliyiinta oo magaciisa uusan sheegin uu dalka burburin u geystay isagoo u careysan masuul kale.

“Waxaa la yaab leh in masuul Soomaaliyeed uu dalka u jejebiyo caro uu u qabo masuul kale, waxaas halaga joogo, ciidamada Soomaaliya waxaan idin leeyahay hadda ka hor waa dayacdeen dalka, hadii aad taagnaa laheydeen oo qabiiladiina aadnaa kala raacin, waad badbaadi karteen dalka, war maanta ka fekera sidii dalkaan aad u badbaadi laheydeen,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Jeneraal Abuukar Xuud.

Hoos ka Daawo