Daawo: Wasiir Fowziya oo cabasho ka ah siyaasiyiin iyo wasiiro caqabad ku noqday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowziyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay in faragelin xoog leh ay shaqada wasaaradda ku hayaan siyaasiyiin ka tirsan dowladda federaalka oo u badan xildhibaano iyo wasiirro.

Waxay sheegtay in qof walba oo masuul ah uu doonayo in wasaaraddu si bilaash ah ay ugu qabato howl kasta oo caafimaad oo uu doonayo, taas oo sida ay sheegtay meesha ka saartay adeegii wasaaraddu ay sii laheyd dadka danta yar.

“Wasiir ayaa kuu imaanaya adeegii caafimaad ee Turkiga na siiyay ayuu inta Aabihiis VIP-da isbitaalka Erdogan geeyo, ayuu ku leeyahay kharashka ibsitaalka bilaash iiga dhiga. Marka maxaan danyarta siinaa?” ayey tiri wasiir Fowziya Abiikar.

Sidoo kale wasiirada caafimaadka waxay sheegtay in xilliga doorashooyinka marka la gaaro ay xildhibaanada qaar ku dhahaan “noo fur bakhaarka Daawada si aan ugu qaadno deegaankeena.”

“Wasiirka loogu necebyahay ayaan ahay hadda, waxaa ii imaanaya xildhibaano, waliba waa marka doorashadu soo dhowdahay, qof kasta inuu daawo qaado oo isku soo sawiro ayuu rabaa, waxaan ku dhahaa, adigaa sharaxane, hadaad deegaankaagii daawo geyneyso, maad suuqa Bakaaraha ka gadatid, adigaa sharaxane ma anigaa sharaxan, mise wasaaraddaa sharaxan?” ayey tiri Fowziya Abiikar.

Waxay sheegtay in lagu dacweeyey Xasan Cali Kheyre xilligii uu ra’iisul wasaaraha ahaa, “Waxuu i yiri maxay tahay dacwadaan badan, waxaan ugu jawaabay hadaa rabto inaan howl qabto ha dhageysan dadkaas ee aniga I dhageyso, hadaad iyaga dhageysato aniga waan iska baxayaa. Marka xoogeygaan meeshaan ku joogaa asxaan kuma joogo” ayey hadalkeeda ku soo gabagabeysay wasiirka caafimaadka Soomaaliya.

Wasiir Fowziya Abiikar ayaa ka mid aheyd wasiirradii la shaqeyn jiray xukuumadii dhacday Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana hadda mar kale loo magacaabay isla wasaaradda caafimaadka oo haatan ay wasiir ka tahay.

Hoos ka Daawo