Daawo: Wasiirka Caafimaadka oo labada XAAS ee Madaxweynaha ugu magac-daray…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji ayaa maqribkii isbitaalka ku booqday Hooyo Maryan Maxamed Xasan oo afar gabdhood oo mataano ah oo caafimaad qaba ay ku dhashay isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Wasiir Cali ayaa lacag uusan tiradeeda sheegin u geeyey Hooyo Maryan oo xalay umushay afar gabdhood, Hooyadaan ayaa laga keenay deegaan hoos taga degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Sidoo kale wasiirka ayaa lagu sharfay inuu magacyo u bixiyo gabdhaha Hooyo Maryan, wuxuuna labo kamid ah ugu magac-daray labada xaas ee madaxweyne Xasan Sheekh oo la kala yiraahdo Qamar iyo Sahra.

Wasiirka Caafimaadka ayaa gabdhaha mid ka mid ah ugu magacdaray agaasimaha isbitaalka ay carruurtani ku dhalatay ee Banaadir, waa Dr. Fartuun.

“Labo ka mid ah Maamooyinka qaranka ayaan ugu magacdarayaa, midna Qamar ayaa la dhahaa, midna Sahro, labada kale waxaan u kala bixiyey Fartuur iyo Xalwo, waxaan idin leeyahay adiga iyo carruurtaada caafimaad allaha idin siiyo, halkaan waxaa ku jirta kaalmo yar oo aan ugu tala galay inaa sahay ka dhigato, maadaama aad miyi ka timid,” ayuu yiri Wasiir Cali Xaaji.

Wasiirka caafimaadka ayaa balan-qaaday in si gaar ah ay uga warqabi donaan Hooyo Maryan iyo carruurteeda, maadaama ay aad u jilicday oo afar ilmo ah ay caloosha ku siday sagaal bilood.

Agaasimaha isbitaalka Banaadir Fartuun Shariif ayaa xaqiijisay in carruurtaan iyo hooyadood ay caafimaad qabaan, isla markaana ay si baxnaani doonaa ilaa inta ay isku filaansho ka gaarayaan.

Hooyo Maryan waa 38 sano jir ka timid miyiga degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe, waxayna xalay mataanahaan ku dhashay isbitaalka Banaadir, maamulka isbitaalka iyo wasiirka caafimaadka ayaa xaqiijiyey in markii ugu horeysay ay arkeen kiis noocaan ah.

“Waan fiicanahay Alxamdulilaah, wax iga haleysan ma jiraan, wax kasta waa la iga caawiyey, Ilaaheyna waa ii fududeeyey, shaqaalaha ii adeegay waan u duceeyey, saakay ayaan ogaady inaan afar carruur ah umulay,” ayey tiri Hooyo Maryan oo la hadashay warbaahinta.

Hoos ka daawo