Cali Ciid oo qiil yaab leh u raadiyay muddo kororsigii Axmed Qoor Qoor + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa ka jawaabay su’aalo laga weydiiyey muddo kororsigii ay sameysteen hey’adaha dastuuriga ah ee dowlad goboleedka Galmudug.

Madaxweyne Ciid ayaa sheegay in tallaabadaas ay qaadeen baarlamaanka Galmudug, si lamid ah baarlamaanada dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo HirShabeelle.

“Golaha sharci dejinta Galmudug ayaa wax ka bedelay mudo xileedka hey’adaha dastuuriga ah, sida baarlamaanka iyo golaha wasiirrada, afar sano ayey horay u aheyd, balse waxay ka dhigeen shan sano, aniga iyo Madaxweyne Qoor Qoor kama aanaa dalban inay qaadaan tallaabadaas,” ayuu yiri Ciid.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa tallaabadaan muddo kororsiga ah ku tilmaamay sunno siyaasadeed oo Soomaaliya muddo ka soo jirtay, isagoo sheegay in dhamaan maamullada dalkaan ka jira ama soo maray ay ka siman yihiin mudo kororsiga.

“Qoor Qoor ama aniga, ma jirto cid dalbatay muddo kororsi, waana go’aan masiiri ah oo baarlamaanku qaatay, si lamid ah dowlad goboleedyada kale, sidii Puntland horay uga dhacday oo Faroole sameeeyey, Somaliland ayey ka dhacdaa, dowladda dhexe ayaa sameysa mar kasta, mark aka gudub waa sunno siyaasadeede,” ayuu yiri Madaxweyne Xali Daahir Ciid oo marti ku ahaa barnaamij ka baxay Tvga Qaranka.

Wuxuu sheegay in Galmudug ay ka jirto dowladnimo rasmi ah, isagoo ku faanay inay dhawaan marti gelinayaan shirka 6-aad ee golaha wadatashiga qaranka oo Dhuusamareeb ka dhici doona.

Mar la weydiiyey in beelaha Galmudug isla leh ay isku raacsan yihiin ama raali ka wada yihiin muddo kororsigaa, ayuu sheegay in Galmudug ay ka soo gudubtay qabiil oo dowlad dhisan ay tahay.

“Galmudug waxaa ka jirta dowlad rasmi ah, qabiilna waa ka soo gudubtay, hadda mala dhihi karaa dowladda Soomaaliya 50 qabiil ayaa isla leh? Waa maya, sidaas si lamid ah Galmudug waa dowlad dhisantay, go’aanka uu baarlamaanku qaatana waa mid masiiri ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Hoos ka daawo