Daawo: Xaadoole oo si kulul ula hadlay odayaasha Abgaal kadib dagaal ka qarxay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo kamid ah xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka ayaa si adag u cambaareeyay dagaal beelo ka tirsan Abgaal ku dhex-maray gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xildhibaan Xaadoole ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in dad walaalo ah ay isku hub qaataan, xili loo midoobayo la-dagaalanka Al-Shabaab oo gumaad ku haysa shacabka Soomaaliyeed.

“Odayaasha dhaqanka waa inay baxaan oo tagaan dhulka, soo fiiriyaan waxa la isku haysto. Waxa lagu dagaalamaya waa in la ogaada oo si cadaalad ahna loo kala saara, waa in dowladda federaalka iyo maamulka HirShabelle ay ka qabtaan dadka cidii qaldan,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay inay heshiiyaan beelaha walaalaha ah ee dagaalamaya, islamarkaana dhinac uga soo wada-jeestaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo xoogooda halkaasi u jeediyaan.

“Kama aamusnaan karno intaas ka badan, waa in fadhiga laga kaco oo dadka laga qabto dadka calool u shaqeystayaasha ah ee ku gabanaya qabiil, waa in loo isticmaalo kuwaas gacanta dowladda. Ninka aad dhaawiciisa qaadi laheyd ayaa dhaawac tireysa oo jidka iska xiraneysaan.”

Xildhibaan Xaadoole ayaa ku cel-celiyay in maamulka HirShabelle iyo Odayaasha dhaqanka ay si dhab ah uga howl-galaan sidii loo damin lahaa xiisada colaadeed ee u dhaxeysa dadka walaalaha ah, taasi oo uu ka dhashay khasaare nafeed.

“Ha badalaan Odayaasha dhaqanka nidaamka ay ku jiraan, ha ka kacaan fadhiga 10 iyo 20 wiil in la duugay ayaa la ii sheegay, maxay ku dhinteen? Ciil ma laheyn haddii uu dhinto isaga oo cadowga la dirirayo.”

Hadalka Xildhibaanka ayaa imanaya xili ay dowladda federaalka Soomaaliya ay ku eedeysay kooxda Al-Shabaab dagaalada ka dhex qarxay beelaha walaalada, ayada oo sheegtay inay jiraan dad ay kooxda lacag ku siisay isku dirka beelaha, si ay isaga horkeenaan beelaha Soomaaliyeed.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay inay ku raadjoogaan dadkaasi, si looga hortego qorshaha kooxda Al-Shabaab, ayna ka qaadi doonaan tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.