Xasan Sheekh oo u safray Mareykanka – Muxuu yahay qorshaha socdaalkan?

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Maraykanka, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey.

Meertadan oo soconaysa inta u dhaxaysay 13-ka ilaa 27-ka Bishan ayaa lagaga arrinsanayaa yareynta saboolnimada iyo xasillooni darrada, horumarinta waxbarashada, shaqo abuurka dhallinyarada, xal u helidda musiibooyinka dabiciiga ah iyo xuquuqda dadka laga tirade badan yahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey waxay hordhigayaan aragtida iyo qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira la dagallanka saboolnimada iyo argagixisada.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa dhibaato badan kala kulmaya argagixisada iyo saboolnimada, waxaana la joogaa xilligii laga gacan siin lahaa dowladda Soomaaliyeed in ay dhibaatadaas ka samata bixiso dadkeeda.

“Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda dalalka ka qeyb galaya Meertadan, hoggaanka hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee ka soo qeyb galaya Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey, si uu u adkeeyo doorka dalkeennu uu ku leeyahay fagaareyaasha caalamiga ah,” ayaa lagu yiri qoraal ay Villa Somalia ka soo saartay safarka Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi, halkaas oo shalay uu uga qeyb galay caleemo saarka madaxweynaha 5-aad ee dowladda Kenya, sidoo kale maanta ayuu kulan gaar ah la qaatay dhigiisa cusub William Ruto.