Daawo: Xamza oo shaaciyey tirada lacagta, lambarada iyo akoonada laga xiray Al-Shabaab

Qaahira (Caasimada Online)- Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo xalay la hadlay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Masar ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaalka dhinaca maaliyadda ah ee dowladda Soomaaliya ay ku qaadday kooxda Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladdu ay Al-shabaab ka xirtay 250 akoon oo ay ku lahaayeen 4 banki.

Sidoo kale Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay inay xireen 70 number oo lacagaha loogu shubi jiray Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku lahaayeen laba shirkadood.

Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in xogta numberadaas la xiray ay ka heleen shacabka Soomaaliyeed, kadib markii dowladdu ay bishii Oktoober ee sankadii hore sameysay numbarro ay soo wici karaan dadka ay Al-shabaab-ku soo weydiistaan ‘lacagaha baadda ah.’

“Markii la arkay in dowladdu shaqeyneyso waa la aaminay, waaxa nala shaqeeyeen shacabku,” ayuu yiri Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in la baarayo lacagaha ku jira akoonada iyo lambarrada la xiray. Wuxuu ammaanay wasaarado ay ka mid yihiin warfaafinta, maaliyadda iyo isgaarsiinta oo aad uga qeyb qaatay dagaalka Al-Shabaab.

Wuxuu intaas ku daray inay xireen shakhsiyaad lacago u sii waday saldhiyo ay Al-shabaab ku lahaayeen maagaalooyin ay ka mid yihiin Basra, Gandarshe iyo Xawaadley.

“Qofkii la qabto isaga oo lacag u wada Al-shabaab waa dambiile, wuxuuna lamid yahay iyaga,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Barre.

Ra’isul Wasaaraha ayaa intaas ku daray in dhaqaalaha Al-shabaab uu hoos u dhacay, isla markaana ay soo wajahday lacag la’aan, ayna ku sugan yihiin wuxuu ugu yeeray ‘duruuf aad u adag’ oo tuugsi ku kaliftay.

“Sanadkaan waxaa naga go’an Shabaab in laga waayo Soomaaliya, sidoo kale sanadkaan deyntii na rafaadisay ayaa bisha 9-aad ee sanadkaan nalaka cafi doonaa ilaahey idankiis,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xamza Barre.

Hoos ka daawo