Sawirro: Askar uu xildhibaan caan ah watay oo dishay sarkaal ka tirsanaa NISA

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino ayaa laga helayaa is-rasaaseyn uu sarkaal ka tirsanaa Nabad sugidda ku dhintay askar kalena ay ku dhaawacmeen oo ka dhacday afaafka hore ee garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Is-rasaaseyntaas waxaa la sheegay inay ka dhalatay is hortaag ay ciidan ka tirsan NISA ku sameeyeen kolonyo militeri ah oo Xildhibaan Yuusuf Kabaale uu la socday.

Xildhibaanka iyo ciidankiisa ayaa loo diiday ka soo gudbaan bar-control oo ciidanka NISA ay ku leeyihiin iridda xigta Madiina Gate, dhinaca Dan-wadaagaha ee degmada Wadajir.

Sarkaal ka tirsanaa ciidanka NISA ee halkaas ku sugan oo magaciisa lagu soo koobay Carabey ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday is-rasaaseynta.

Ma jirto faahfaahin dhameystiran oo laga helay geerida sarkaalkaan ka tirsanaa NISA, waxaana hadda degan xaaladda goobta uu shilkaasi ka dhacay.

Sidoo kale ugu yaraan laba askari oo ka tirsan militeriga, isla markaana ka mid ahaa ilaalada Xildhibaan Yuusuf Kabaale ayaa lagu dhaawac iska hor imaadkaan.

Xildhibaan Yuusuf Kabaale oo ka mid ahaa masuuliyiintii laf-dhabarka u aheyd halgankii Al-Shabaab looga xoreeyey HirShabeelle, gaar ahaan Shabeellada Dhexe ayaa dhawaan dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Xilliga uu dhacay shilkaan Xildhibaan Yuusuf Kabaale ayaa watay gadiid dagaal iyo askar militeri ah xoog leh, waxaana is hor taagay askar ka tirsan NISA oo bartaas control ku qoran.