Dabageed oo shaaciyey in guulaha laga gaaray Shabaab aysan aheyn sida la moodo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeele Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) oo ka mid ahaa hoggaamiyaasha halgankii kooxda Al-Shabaab looga xoreeyey gobolka Hiiraan ayaa galabta soo gaaray Muqdisho.

Yuusuf Dabageed oo warbaahinta kula hadlay garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in sida dadka qaar ay la tahay aan Al-Shabaab weli laga gaarin guul weyn, maadaama aan weli laga xoreyn dalka, islamarkaana ay reer HirShabeelle labo un mid u furan tahay.

“Labo mid ayaa noo furan, anaga oo dagaal ku jirna oo difaacayna dalkeenna in aan dhimano iyo anaga oo sharaf leh oo Hirshabeelle ku xaragoonayna in aan noolaano, wax aan ka heyn labadaas nooma fura,” ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in dhibaato badan ay ku qabaan Al-Shabaab, isagoo tusaale u soo qaatay weeraradii u dambeeyey ee Al-Shabaab ay ka fuliyeen gudaha HirShabeelle.

“Weerarro ayaan weli nagu socda, meelaha ay HirShabeelle uga dambeeyaan iyo dhinaca Galmudug ayey naga soo weeraraan markasta,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in meel kasta oo kooxdaan ay dalka ka joogto ay isku mid tahay, maadaama mar kasta ay dad Soomaaliyeed un dilayaan.

“Umadda Soomaaliyeed waxaan leenahay nimankaas iska celiya, dowladiina u kaashada, waa cadow qof muslim ahna kuma noolaa karo meel ay ka dhowyihiin ama joogaane,” ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeele oo bilihii lasoo dhaafay ku sugnaa Hiiraan, isla markaana door weyn ka qaatay dagaalka Al-Shabaab eek a socda gobolkaas Hiiraan.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa isna ku sugan Muqdisho, waxaana xusid mudan in gaabis uu ku yimid howlgalkii ka socday gobolkaas, inkastoo Al-Shabaab laga xoreeyey bariga Hiiraan, hadana waxay ku sugan yihiin galbeedka gobolkaas.

Hoos ka daawo  Yuusuf Dabageed