Daawo: Xasan oo shaaciyay arrin keentay inuu markale u tartamayo xilka madaxweyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog ayaa sheegay in markale uu iskugu soo taagay xilka u sareeya dalka, si meeshii uu shalay soo gaarsiiyay uu uga sii wado.

Waxa uu sheegay in dowladdii ka dambeysay ee uu hogaaminayay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay ka gaabisay waxyaabo badan oo u baahna in hore loo sii wado.

“Marka arkay meeshii aan ka tagay iyo siday tahay waa qaba in markale aan dadka Soomaaliyeed aan weydiisto in aan qabto waxa ii muuqdo, shalay waxba qabtay meel ayaa dowladnimada soo gaarsiiyay, meeshii in laga sii wado oo meel kale la gaarsiiyo ayaa rabnay, waxaa aamisanahayna meeshii lama gaarsiin,” ayuu yiri.

“Qori iyo xoog ma wato dadka Soomaaliyeed ayay u taalla, aniga oo Madaxweyne ah ayaa laguma dooran la igu yiri ayaa xilka si nadiif ah u wareejiyay, marka aniga oo Madaxweyne aheyn haddii la i yiraahdo laguma dooran inta ayaa ka baxa inta dhaho waa Mahadsan-tihiin.”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladii ka dambeysay ku dhaliilay inaysan dowladnimada kasii amba-qaadin halkii uu uga tagay, ayna ku mashquuleen dano gaar ah iyo xifaaltamo siyaasadeed.

Waxa uu sheegayna in doorashada madaxtinimada ee la filayo inay qabsoomto ay halbeeg u noqon doonto middii hore ee uu qabtay, taasi oo lagaga guuleystay, uuna kusoo baxay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ugu dambeyntiina waxa uu bulshada Soomaaliyeed ka dalbaday inay ku kadsoomin maran habaabinta ay xulafada Farmaajo ka wadaan baraha bulshada, midaasi oo ay ku bixiso dhaqaale badan.