Daawo: Xasan oo shaaciyay in saraakiil ciidan ay ku lug leeyihiin qaraxyada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta markii u horeysay shaaciyay inay jiraan saraakiil ka tirsan ciidanka oo qaraxyada soo galiya magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyay munaasabada xuska sannad guurada 79-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in saraakiil ciidan ay Shabaab usoo dhaafiyaan baraha kontrol ee ciidamadda gawaarida ku hubiyaan.

“Saraakiil ayaa jirta oo ciidamada qeybahooda kala duwan ah oo hadda baaristooda ay socoto, oo hay’addo ajnebi ah la kaashanay oo la leeyahay asaga ayaa kasoo daayay Checkpoint-ga, waa lagu daba jooga maalin maalmaha kamid ahna waa lasoo qabana,” ayuu yiri.

“Askariga laftigiisa kama marna laakiin ninka derajo leh ee sarkaal boolis ah, sarkaal nabad-sugida, millateri ama asluub ah ee ku cadaato isaga ayaa qaraxa kasoo dayay checkpoint-ga waa maxay aakhira-beelka iyo aduunyo-beelka u dhiman.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in saraakiisha ay baaritaanada ku socdaan gawaari ay soo daayeen uu qarxay, kuwaasi oo akoonadooda bank-yada lagu arkay lacago badan oo uu sheegay in tuhunsan yihiin inay ku heleen gawaaridaaas qaraxyada ah oo ay soo daayeen.

Qiraalka madaxweynaha ee la xiriira arrintaan ayaa noqonaya midkii u horeeyay ee noociisa ee kasoo yeera dowladda federaalka, ayada oo sanadihii dambe uu sii kordhayay tuhunada laga qabo saraakiisha iyo hay’addaha amniga loo igmaday inay qaarkood fudeydiyaan qaraxyada.

Si kastaba, hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xili uu socdo baaritaanada weerarkii Shabaab ee Villa Rays, islamarkaana uu darawalka gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal uu u baxsaday dhanka Al-Shabaab, kadib markii uu soo galay raadka weerarkaas.