Madaxweyne Lafta-gareen oo qorshe cusub billaabay kadib dagaalkii Baydhaba

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa billaabay qorshe uu xal nabadeed ku raadinayo kadib dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Baydhaba isaga oo maanta xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed.

Kulanka Lafta-gareen iyo Odayaasha ayaa waxaa looga wada-hadlay sidii doorkooda nabadeed ay uga qaadan lahayeen xal uhelida shaqaqadii shalay ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa dhankooda u sheegay madaxweynaha in doorkooda odaynimo ka qaadanayaan intii karaankooda ah xal u helida xiisada ka taagan Baydhabo ee ka dhalatay muddo kororsiga uu sameeystay.

Lafta-gareen oo ku doodaya sharci ahaanta uu kusii fadhiyo kursiga u sareeya maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa uu ku hanjabay inay la xisaabtami doonaan dadkii ka dambeeyey dagaalkii Baydhabo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in mudo dheer uu ku dadaalaayey in Koonfur Galbeed uusan ka dhicin gacan ka hadal, isagoo sheegay inuu fidinayo gogol nabadeed oo cidii tabasho qabta ay ku soo bandhigi doonto.

“Waa baari doonaa, waana la xasaabtami doonaa cid kasta oo sameysay dhacdadii maanta, Allaha u naxariisto dadkii ku dhintay, waxaan dirayaa baaq nabadeed, cidii tabasho qabtay waxaan u fidinay gogol nabadeed oo cid kasta ay ku soo bandhigi doonto waxa ay qabto, taas oo furmeysa todobaad kadib” ayuu yiri Lafta-gareen.

Siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa si weyn uga soo horjeeda muddo kordhinta hal sanno ah ee uu sameeystay Lafta-gareen, waxayna ku baaqeen in sida ugu dhaqsaha badan la qabto doorasho wada-ogol ah, taasi oo aan hadda muuqan qorshaheedu.