Xamza oo soo saaray amar culus kadib arrintii uu shalay shaaciyey madaxweynaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta kulan muhiim ah la qaatay Agaasimeyaasha Guud ee wasaaradaha dowladda, ayaa amray ay la xisaabtamaan shaqaalaha aan soo xaadirin goobaha shaqada

Xamza ayaa sheegay in agaasime walba laga rabo kormeer joogta ah in uu ku sameeyo howl-wadeennada wasaaradda uu agaasimaha ka yahay, soona gudbiyo ciddii aan gudan waajibaadka ay u hayaan qaranka.

“Xukuumadda Dan-Qaran waxaa loo idmaday barnaamij ka kooban lix tiir oo ay horgeysay baarlamaanka iyo balan-qaadkii ka danbeeyey ee aan kala saxiixanay wasiirrada, cidda fulintiisa laga sugayo waxaa ugu horreeya idinka, maadaama arrimaha maamulka aad madax ka tihiin, waxqabad natiijo leh ayaan idinka sugaynaa,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay ahmiyadda ay agaasimeyaasha guud u leeyihiin hawl-fulinta shaqada dowladda, isaga oo ku adkeeyay in shaqada la soo galo xilli hore, si bulshada loogu adeego xilliga ugu habboon.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntiina kula dardaarmay agaasimeyaasha inay si hufan oo caddaalad ah kula dhaqmaan howl-wadeennada ay madaxda u yihiin, kana soo dhalaalaan shaqooyinka ay dalka u hayaan.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh shalay uu shaaciyey in baaritaan la sameeyey lagu ogaaday in shaqaalaha dowladda u qoran ay kaliya 30% soo shaqo galaan, taasi oo uu ku tilmaamay wax aad looga xumaado.

Madaxweynaha, oo ka hadlay salaaddii Jimcaha kadib ee Masjidka madaxtooyada ayaa sheegay in dowladda federaalka ay u qoran yihiin 5,000 oo shaqaale, balse ay shaqada soo galaan kaliya 1,500, taasi oo lagu ogaaday nidaamka elektoronic ah ee qofka marka uu shaqada soo galo uu gacanta saaro.